23 qof ayaa ku qudh-baxay dab ka holcay xabsi ku yaalla Addis-Ababa

Warbaahinta xukuumadda Itoobiya ayaa baahisay in 23 qof ku qudh-baxeen dab Sabtidii qabsaday xabsi ku yaalla Addis Ababa oo la yidhaa Qilinto. Waxa halkaas ku xidhnaa suxufiyiin, siyaasiyiin iyo dad caan ah oo u xidhnaa mudaharaaddii ay dhawaan sameeyeen qoomiyadda Oromoda ee Itoobiya ugu tirada badan.

Sida uu baahiyey Raadyow Faana, Xukuumaddu waxay sheegtay in 21 ka mid ah dadkaasi ku geeriyoodeen dabkii iyo is-jiidhkii ka dhacay xabsiga kadib markii qiiqu qabsaday. Labda qof ee kale waxa toogtay ilaalada xabsiga kadib markii ay isku dayeen in ay fursad ka dhigtaan masiibada sidaana ku baxsadaan.

Warbixin tan ka horraysay oo xukuumadda ka soo baxday waxay sheegtay in hal qof oo kali ahi ku qudh-baxay xabsiga.

Lama garanayo sababta dhalisay dabka, xukuumadduna ma ay sheegin.

Mucaaradka ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeeyey in ay ukas u u laysay maxaabiista isla markaana ka dambaysay dabka la qabadsiiyey xabsiga.

Dad goob-joog ah ayaa sheegay in ay maqlayeen xabado dhacaya ย markii la arkay qiiqay cirka ย isku shareeray.

Maxaabiistii ka bedbaadday dabka ayaa la sheegay in hadda loo wareejiyey xabsi kale.

BANDHIGE NEWS