Musharaxa madaxweynaha Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa sheegtay inaysan booqan doonin dalka Mexico ka hor doorashada bisha kow iyo tobnaad ee sannadkan.
Musharaxa la tartamaya ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa booqday dalkaas toddobaadkii tagay kadib markii madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto uu labada musharax ku casuumay wada-hadallo ku saabsan xidhiidhka labada dal.
Clinton ayaa telefishinka ABC u sheegtay in ay taa beddelkeed diiradda saari doonto sidii ay shaqooyin uga abuuri lahayd guddaha dalka Maraykanka.
Waxa ay goor sii horeysay wada-hadallada Trump ee Pena Nieto ugu yeedhtay โDhacdo fadeexad caalami ahโ, iyada oo sheegtay in Trump uusan garaneyn sida loola hadlo madaxda caalamka.
Dhinaca kale, Clinton ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay shakiga ah faro-gelinta dawladda Ruushka ay ku hayso doorashada Maraykanka.
Ololaha doorashada Maraykanka ayaa mid u xasaasi kadib markii ay dhaleecayn xoogan iswaydaarsadeen Hillary Clinton iyo Donald Trump.