235 qof ayaa ku qudh-baxay weerar lala beegsaday masaajid ku yaalla Masar

Ugu yaraan 235 qof ayaa la warinayaa in ay ku qudh-baxeen weerar Jimcihii maanta lala beegsaday masaajid ku yaalla gobolka Siinay ee Masar iyadoo 125 qof oo kalena ku dhaawacmeen. Khasaaraha ayaa intan ka sii badan kara sida ay warinayaan wakaaladaha wararku. Waana weerarkii khasaarihii ugu badnaa gaysta ee ka dhaca Siinaay.

Laba qarax oo waaweyn ayaa la maqlay, kadibna maleeshiyaadkii weerarka gaysatay waxay rasaas huwiyeen dadkii masaajidka ku tukanayey kuwaas oo dhinacyo kala duwan u kala yaacayey.

Wasiirka Caafimaadka ee Masar Khaalid Mujaahid ayaa weerarkan ku sifeeyey in uu ahaa mid argagixiso.
Madaxweynaha Masar ayaa shir degdeg ah isugu yeedhay Golaha Amniga ee dalkaas, waxaanu ku baaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah.