3,000 oo muhaajriin ah ayaa ku dhintay baddaha medhitareeniyanka

Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda Medhetereniyaanka tan iyo horraantii sannadkan 2016, sida ay hay’adda muhaajirinta caalamka ee IOM sheegtay maanta oo Jimce ah.

IOM ayaa sheegtay in dadka ay diiwaan galiyeen ee dhintay ay gaadhayaan illaa iyo 2,977 oo qof, kuwaas oo aanay ku jirin kuwa laga yaabo in meydadkooda laga helo xeebaha maalmaha soo socda.

In ka badan 800 oo muhaajiriin ah ayaa Khamiistii gaadhay xeebaha Yurub, waxaana tirada qaxootiga ah ee Yurub gaadhay sannadkan 2016 ay gaadhayaan 242,179, sida ay IOM sheegtay.

Tirada dadkaasi ku dhimanaya xeebaha ayaa kordhay sannadkan, waxaana July 22, 2015, la soo wariyey in la diiwaan galiyay dhimashada 1,906 oo muhaajiriin ahaa.

Tiradan muhaajiriinta ee ku dhintay baddaha medhatareeniyanka ayaa noqonaysa tiradii ugu badnay marka la barbar dhigo sannadadii hore.

bandhige@gmail.com