Afhayeenkii Garabka Dhallinyarada xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme oo isaga iyo dhallinyar kale oo dhawaan dhalliilay heshiiska dekedda Berbera ay maalintii 13aad maxkamad la’aan ugu xidhan Saldhigga Dhaxe ee Hargeysa, ayaa waxa la sheegay in ay xaalad caafimaad oo aad u adag la soo deristay.
Warkan waxa xaqiijiyey ehelada Maxamed Siddiiq iyo weliba sida oo kale mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan xisbiga Waddani.
Sidoo kale xisbiga Waddani ayaa sheegay in loo diiday in xaaladiis caafimaad dibedda lagu soo daweeyo ama dhakhtar la geeyo.
Tan iyo intii la xidhan dhallinyaradan ayaan wali la hor keenin Maxkamad.