Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu ka qayb galay Dugsiga Quule Aadan Secondary School tartan aqooned ku saabsan aqoonta ardayda xuquuqda taranka iyo HIV/AIDS

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilahi Saciid “Khaawi” wuxu tartan aqooneed kala qayb galay ardayda Dugsiga Quule Aadan Secondary School ee maglaada Hargeysa, tartankan ayaa lagu qabtay maanta Dugsiga Quule Aadan Secondary School. Tartankaas oo logu talo galay in ay 8 school oo Magaalad Hargeysa ahi ayaa waxa uu ku saabsan yahay Xuquuqda Taranka Caafimadka iyo HIV/AIDS ka.

Tartankan waxa uu socondoona muddo dhan 8 maalmood, manta na oo ah maalintii labaad ee tartanka oo ay taariikhdu tahay 11, Dec, 2019 waxa looqabtay Dugsiga Quule Aadan Secondary School, waxaana iska kaashaday Wasaarda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee magacadeed loo soo gaabiyo UNFPA.

Ujeedada Tartankan oo ku saabsanaa sidii Dhalinyarada loogu wacyigalin lahaa dhibaatada xanuunada Caafimadka taranka iyo HIV/AID ka u leeyahy bulshada.

Sidoo kale waxa maanta tartankan ku dhexmaray labo qaybood dugsiga sare ee Quule Aadan Secondary School 3A iyo 3B waxa ku guulstay tartankii  Fasalka 3B ee Dugsiga Quule Aadan Secondary School.

Agaasimaha guud ee wasaarada Dhalinayrda iyo Ciyaaraha waxa uu dhalinyadii tartamaysay  kula dardaarmay in tartan aqooneed kani yahay mid ay uga faa’iideeystaan kobaca aqoontooda ee dhanka Xuquuqda Taranka Cafimaadka iyo khatarta xanuunka HIV/AIDS ka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@ggmail.com