Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in garoomada kubadda cagta dalka Qatar ee loogu talo-galay koobka adduunka 2022 lagu dhisayo shaqaale la qasbay.
Warbixin maanta la shaaciyey ayay hay’addan ku sheegtay in ay wareysi la yeelatay 132 ka mid ah shaqaalaha dhisaya garoonka Khalifa International Stadium oo ah mid ka mid ah dhowrka garoonka ee loogu talo-galay cayaaraha.
Shaqaalaha, oo dhammaantood ah muhaajiriin, ayaa shaaca ka wada qaaday xadgudubyo ay ka mid yihiin, mushaarka oo lagu dhibo, baasaboorada oo laga qaato iyo xaalad nololeed oo aad u liidata.
Xadgudubyo kuwan la mid ah ayaa waxaa horey u shacaiyey kooxaha xuquuqda aadanaha, hase yeeshee tani waa warbixintii ugu horreysay ooo koobka adduunka la xiriirisa xadgudbyo xuquuqda aadanaha ah.
Qatar ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso inay xaliso arrimahan, waxayna xustay in eedeymaha ay ku lug lee yihiin kaliya afar ka mid ah afartanka shirkad ee mashruucyadan ka shaqeynaya.