Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacl “Saylici” socdaal indho-indhayn ah ku tegay gobolka Awdal ayaa waxa uu ka war-bixiyey xaalada abaarta ka jirta gobolka Awdal iyo halka ay wakhtigan marayso. Sidoo kalena waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenka ka wadaa Awdal gurmad oo ay deeqo cunto iyo biyo ah ku gaadhsiinayeen dadka abaaruhu ku dhufteen ee gobollada Awdal iyo Selal.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:
“Waxyaabaha noogu daran ee aanu soo aragnay waxaa ka mid dadka soo guuray ee xooluhu ay ka baxeen oo ah sida reer magaalka hooyooyin caruurtoodu isku nuug tahay oo jilicsan oo duruufta haysataa ay adag tahay.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxa kale oo uu qeylo dhaan u diray ganacsatada reer Somaliland guddo iyo dibed-ba iyo dalalka dariska ah iyo beesha caalamkaba oo uu ka dalbaday in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ku tabaaloobay abaaraha ku dhuftay Somaliland oo saddex jirsatay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay imika xaaladu tahay oo uu xusay in ay ugu yaraan 20 kun oo qoys ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah kuwaasoo ku dhaqan ama ku rafaadsan deegaanada gobolada Selal iyo Awdal, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Dadkii soo hayaamay ee xeebta u soo dhaadhacay oo nugulkii ah, xoolihiina ay ka baxeen iyo dadkeennii deegaanadaa deganaa oo iyagana abaartu ku saddex jirsatay oo jilicsan ayaa is dul yaalla oo xaaladoodu halis ku jirtaa. waxaanay gaadhayaan dadka dhibaataysan ee gurmadka iyo samato bixinta u baahani ugu yaraan illaa 20 kun oo qoys oo isugu jira soo guurtadii iyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaanadaa deganaa waxaanay 20-ka kun ee qoys filiqsan yihiin deegaanada gobollada Awdal iyo Selal. Intii aanu socdaalkan ku gudo jirnay waxaanu dadka gaadhsiinay cuntooyin kala gedisan oo isugu jira kuwa deg dega ah sida Timir Buskud iyo Roodhi, Raashin kale iyo Biyo. Dadka xoolihii way ka baxeen inta u hadhayna way jilicsan yihiin oo xaalad adag ayay ku jiraan dadkuna aad ayay u jilicsan yihiin.”
Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray:
“Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in dadka soo guuray ee ka soo hayaamay dhanka Itoobiya in marka wax la siiyo ee la quudiyo in dib loo raro oo lagu celiyo deegaamadoodii, laakiin dadkii soo guurtada ahaa boqolkiiba 20 % in ka yar ayaa dib u guurtay oo ogolaatay in la celiyo, dadkuna waxay yidhaahdeen halkii aanu ka soo hayaanay nololi kama jirto oo dhibaatadii abaarta ee aanu kaga nimi oo ka sii dartay ayaa ka jirta xoolo aanu la noqonana ma haysano oo xoolihii way naga baxeen. Midda kale dad in la raro xamilayaba maaha oo waa nugulkii jilicsanaa oo ay baahiduna u dheer tahay. markaa waxaanu rarnay intaanu joognay 20 gaadhi oo 15 baabuurna waxaanu ku rarnay dadkii 5 gaadhina waxaanu ku qaadnay xoolihii halkaa waxaad ka garanaysaa 15 ka gaadhi dadka lagu raray ee xoolohoodiina shan gaadhi ay noqdeen sida dadka xooluhu uga baxeen.”
Mar kale isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:
“Markaa imika waxaanu qorshayna in dadkan halkooda wax lagu siiyo isla markaana gurmadku socdo ALLE barigana la joogteeyo sababtoo ah dhibaatada meesha taallaa maaha mid gacan aadami ay dabooli karayso ALLE oo kaliya ayaa dhibaatadaa abaarta innaga dul qaadi kara Rabbi ayaanan ka baryaynaa in uu innoo naxariisto oo uu abaarta innaga soo jabiyo.”
Gabagabadii waxa uu ka war-bixiyey sida ay haatan xaaladdu tahay iyo sidii ay filayeen, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
“Waxaanu aragnay iyo sidaanu moodaynay aad ayay u u kala duwan yihiin dadkuna wuu jilicsan yahay xoolihiina way ka baxeen.waxaanan beesha caalamka ugu baaqayaa in ay u soo gurmadaan dadka abaaraha ku waxyeeloobay oo ugu yaraan 20 kun oo qoys ay halis ugu jiraan dhibaatada abaarta taasoo ka weyn, kana awood badan haynta Xukuumadda Somaliland.”