Waxa saaka Laascaanood laga oogey salaad roob-doon ah

Dadweynaha Laascaanood ayaa waxay maanta salaad roob-doon ku oogeen garoonka Masalaha.

Roob-doonkan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa ee ay isugu soo baxaan dadka ku dhaqan Magaalada Laascaanood, taasoo muujinaysa abaarta taabatay gebi ahaan bulshada miyi iyo magaalaba.

Qaar ka mid ah culummada Gobolka Sool oo halkaas ka hadlay, ayaa waxay si aad ah ugu dheeraadeen musiibooyinka abaaraha keena in ay yihiin kuwo ay bulshadu u tahay sabab, ciqaabna looga dhigo abaar iyo colaad.

Sheekh Maxamuud Xaliike oo ka jeediyay goobta wacdi muddo dheer oo muhiimaddiisu ahayd gurmad in la isku fidiyo ka jeediyay salaadda roob-doonta ahayd, ayaa wax aka mid ahaa hadaladiisii:

“Naxariista Rabbi si aan u helo waa in aan isku naxariisannaa oo aan eegnaa dhibaatadda haysata bulshada, waa in gurmad loo fidiyaa meelaha ugu liita ee dhibtu ka jirto… waxaa hubaal ah in naxariista Alle aan helayno,”

Sidoo kale, Goobta shacabku isugu soo baxeen oo ahayd meel aad u kulul ayna adag tahay in dadku waqti maalin ah isugu yimaadaan, ayaa Rabbi daruur korkooda keenay, Taasoo dadku in badan hadal-hayeen, iyadoo markii laga dareenayna ay Daruurtii ay isla markiiba circa banaysay, arritan ayaa dadka qaarkii ku macnaynayeen inay ka mid tahay arrimaha in lagu tusaale qaato u baahan.

Ugu dambeyn, Xaaladda bulshada ku sugun deegaano badan oo gobolka Sool ka tirsan oo badankoodu kasoo guureen Deegaanno kale, ayaa xaalkoodu yahay mid aad u liita, haddii aanu roob u di’inna ay adag tahay sida ay kusii joogayaan dad iyo duunyaba.

bandhige@gmail.com