Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.28aad

Maxaa xiga Ramadaanta?

Haa, Ramadaan baxday ee maxaynnu ka faaโ€™iidnay ee waxtar inoo leh, waxqabadyadii suubana ee aynnu la iman jirnay halkaynu ku tuurayna, salaaddi badnayd, Quraan akhristii, duco iyo xuskii Alle me?.

Ma ogtahay waxqabad la qabto ka ugu gobsan inu yahay ka la joogteeyo sida Rasuulku ba CSW sheegay:

โ€œCamal la qabto waxa ugu khayr badan kala joogteeyo haba yaraade.โ€

Sidaa darteed waa inaynaan noqon dad haan gunta ka daloosha dhaamiya, โ€œHala nooc noqonina sida tii xadhiga ay soohdo gelinka hore furfurta gelinka dambe.โ€ Se waxqabadkii wanaagsana ee aad Ramadaanta samayn jirtay haddaad halkaa kaga hadho habartaa un baad la nooc noqon.

Waa suโ€™aalle waxqabadyada wanaagsan ee aad la sugto Ramadaanta miyaad hubta in aad Ramadaanta dambe aad gaadhi doontid?. Haddaad leedahay ta dambe ayaan Quraanka intaa akhrine ma lagu sii sheegay inaad ta soo socotana aad gaadhi doontid?.

Sidii aynnu ugu dadaali lahayn waxqabadyadeenna aynnu ka soo barannay bishi barakada badnayd ayeynu dhawrkan tusaale u keeni doona in aynnu la nimaadno:-

  • In aynnu ilaalino oogista salaadaha sunnayaasha ah (Rawaatibta, salaadda habeenkii).
  • Quraanka in aynnu jadwal maalinla ah u samaysano).
  • Sadaqada in aad ogaato bixinteeda.
  • La saaxiibida dadka ehlu khayrka ah.
  • Ku xidhnaanshaha masaajidka.
  • In aad noqoto mid dadka wanaagga fara, xumahana ka waaniya.
  • In aad diinta barashadeeda wakhti u samaysatid.
  • In aad soonka sunnaha ah ku dadaashid.

Intaa waxa aynnu ku soo afmeeri doonna qoraaladeenni โ€˜Axmaanta Soonkaโ€™. Dhammaantiin akhristayaal waxa aan marti idinka ahay in aad ila wadaagtaan wixi khalad farsamo ah, ama khalad diini ah ee maqaaladan ku jira, si kuwa dambe aynnu uga saarno.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.13aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.18aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.19aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.20aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.21aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.22aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.23aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.24aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.25aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.26aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.27aad

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email:ย cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com