Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega (WQ: Nuur Xaaji Xiirey)

Dulin waa cayayaanka yaryar ee ku dul nool xayawaanka kale sida injirta, tukhaanka, shilinta iwm. Markaa dawladuhu inta badan waa dulin ku dul nool shucuubtooda, laakiin way is dhaamaan oo qaarbaa shucuubtooda wax u qabta.

Maalin dhawayd ayaa aniga oo joogna Biya shiinah (meesha waraabisa Hargeysa) ayaa ku yar oo dhallinyara ah ayaa ka yaabay mishiinadan istaadhan uun een damayn, markaasuu i waydiiyay miyaanay mishiinadu nasanayn, waxaan ku idhi haddii in yar la bakhtiiyo magaaladii ayaa haraadaysa.

Nin wakaalada biyaha ka shaqeeya ayaa igu yidhi:

“Magaaladu toosbay uga cabtaa dhuunta waayo barkada kaydka ayaa yar, bal dadkaa eega tawaakulka ku nool.”

Nin baa Rasuulka SCW u yimid markaasu ninkii ku yidhi:

“Awrkayga maan dabraa markaas ayaan Illaahay talo saartaa mise waan sii daayaa oo Illaahay ayaan talo saarta.”

Nabigu SCW wuxuu ku yidhi:

“Waar awrkaaga dabar oo Illaahay talo saaro,(aw kamaa qaal).”

Markaa waxa loo baahan yahay in asbaabtii lala yimaad Illaahayna la talo saarto.

Maanta caalamka dadka khatar badan ayaa ku gadaaman.  Waxaan maqlay dagaalkii labaad ee adduunka waxa saameeyay waddanka kali ah ee uuna saamayn Soomaaliya ayay ahayd, maxaayeelay caalamka waxba ugamay baahnayn. labadii go ee cad cadaa ayuun bay uga baahnaayeen, caano iyo hilib ayay haysteen.

Bal maanta ka warama findhicilkana dibada ayaynu ka keensanaa. waxynu noqonaynaa dadka ugu horeeya ee uu saameeyo dagaal aduunka ka qarxaa, caalamak wadan walba wuxu leeyahay kayd shidaal, iyo biyo  oo mudo wadi karaa hadii dagaalo ka qarxan caalamka. Bal inaga ka warama.

Gofanayaashan isu keen badbadlayaana ee kolba mid usoo fidhiclanaayo ee qoobadah inagu kala xidh xidhay ee inagu yidhi idinka reer hebel ayaa laydin yidhaa iska illaaliya reer hebel, mid siyaasi ah ayaa laga hayaa reero isu uraaya ayaanu isku haynaa, hada iyaga ayaa isu uriyay reeraha maxaayeelay dee waanay xukumi Karin hadii aanay kala qaybin, oo gaalkii  ayaa ku tababaray khiyaamadan ah qaybi oo xukun, habeen iyo maalin iyagaa ka shaqeeya sidii ay qabaailka iyo dadk ukala fogayn lahaayeen hadana maxastii ayay ku eedaynayaan mashaakilka ay iyagu  abuuraan. jeebkooda uun bay buuxsadaan shicibkan hebadka ihina ma digagaxoonayn. Maan arag shicib sidaa looga weegaartay caalamka, shucuubta kale in uun baa dhaqdhaqaaqaysa oo danahooda guud u taagan.

Markii wadanka la soo galay sanadihii hore markaad u fiirsato shacabka xoogsatada ah qurux baa ka muuqatay, kuwan gofanayaasha ahna saraawiisha ayaa ka dhacaysay, maanta se dulinku sidii biibiilaha ayay buuxsameen, xafiis wal ood ugu gasho inay qarxaan sida biibiilah ayay ku dhaw yihiin, xoogsatadiin surwaalka ayaa ka dhacaaya. Aad bay dhiiga uga jaqeen xoogsatada,dee waxaa ka buuxaa waa dhiigii xoogsatada.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com