Bakistaan: Masaajid daad qaaday

Daadad xoogan ayaa waxa ku soo rogmadeen waqooyiga Bakistaan kuwaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof.

Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka ee dalkaasi ayaa sheegtay in masaajid ku yaalla deegaanka Ursoon ee magaalada Chitral, uu daadka qaaday dadkii ku tukanayay.

Waxa sidoo kale la la’yahay sideed ka mid ah ciidammada ammaanka ka dib markii uu daadka ku dhuftay saldhig ay ku sugnaayeen.

Saraakiisha deegaanka ayaa ku baaqay in lagu caawiyo diyaaradaha helicopter-ka si ay u gaadhaan deegaannada go’doonsan.

Daadad horay ugu dhuftay deegaannadaasi ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof.

bandhige@gmail.com