Waa mawduuc muhim ah. Waxay ila tahay in la is raaciyo sidii jadwalku ahaa lana isticmaalo saami qaybsigii Habkii Borame (Borame Criteria) ee 1960-gii ay salka u ahayd. Haddii kale wadanku wuxuu halis u noqonayaa inuu burburo. Mana jiraan culaysyadii iyo caqabadihii taagnaa markii la is raacinayay oo ku beegnayd 2010 oo Silanyo isku beegay iyo muddo kordhintii u dambaysay oo guurtidu isku beegtay kuwo aan ahayn oo hadeer soo if-baxay.
Haddii doorashada wakiilada dib loo dhigo, suaasha is waydiinta lihi waxa weeyi goorma la galayaa ? 2018 waxa ku beegan doorashadihii golaha deegaanka taas oo ku beegan 1 sano kadib dooeashada 2017. Madaxwayne hal sano joogay doorasho dalka ma gelin karo, sidii silaanyo ayuu dib u dhigayaa wuxuun ku beegayaa dhamaadka teeramkiisa sanadka 2022, wuxuuna isku darayaa saddexda doorasho ( madaxwaynaha, wakiilada iyo deegaanka). Taa macnaheedu wakiiladii la doortay 2005 waxay doorasho ay galaan u horaysa 2022 : 17 sano kadib markii la doortay. Arinkaas sharciyada qaranimada (state legitimacy) wuu dhaawacayaa waayo aqalka wakiiladu wuxu metelaa dadka, udub dhexaadka dimuquraadiyaduna waa dadka haddii xaqa ahbin la doorto iyo inay wax doortaan loo diido waa halis. Did u dhac kastaa oo wakiilada ku yimaad wuxuu riixayaa isna Guurtida. Nidaamka Muqdisho ee odayada dhaqanku ay soo dooranayaan ayaa ka miisaan iyo kalsooni badanaya gole shacab oo aan doorasho ku joogin muddo 17 sano. Siyaad barre ayaaba doorasho wwx u eg qaban jiray 21 sanadood ee uu joogay.
Kulmiye waxay hore ugu taliyeen in doorashada Golaha Deegaanka oo ka horayn lahayd tii madaxtooyada ee dhacday 2010 iyagoo ka cabsi qabay in xisbigoodu ku hadho tartanka xisbinimada. UDUB iyo Riyaale oo uga lexo-jeclaa dalkuna way la qaateen. Qalin-daarkaasi waa ka keenay in Kulmiye uu furo tartanka xisbiyada, UDUB iyo xisbiyo kale oo UMADA, XAQSOOR iyo UDHIS la reebo lana soo xusho kuwa imika jooga ee aad ogtihiin itaalkooda.Maanta in la qalin-daaro jadwalka 2017, KULMIYE dantiisa gaarka ah iyo guushiisa ayuu u arkaa inay ku jirto in la kala-qaado labada doorasho oo ta madaxwaynaha la so9 hormariyo.
Haddii ay qasab noqoto in dib midkood loo dhigo anigu waxaan qabaa in ta madaxtooyada dib loo dhigo oo la raaciyo Golaha deegaanka laguna beego 2019. Sidaa markaan leeyahay ma moogaani duruufaha gaarka ah ee madaxwaynaha imika jooga iyo doonistiisa inuu xilka wareejiyo. Waana sababta ay tahay in labaddii doorasho la isku raaciyo.
Qodobka saaami qaybsiga kuraasta waa la buunbuuniyay si la iskaga sii fadhiyo. Waxaana arintaa siyaasadeeyay xildhibaanidii 23 sano (ilaa Borame) samayn waayay xeerkii saami qaybsiga. Waxay ila tahay niman shaqadoodii qabsan waayay haddii loo sii kordhiyo, waligeed shaqadaasi qabsoomi mayso. Waana sababta ilaa imika ay qabsoomi wayday.
Beelaha iyo goboladda waxa horyaala inay kala doortaan : doorasho la’aan iyo metalaad la’aan waa haddii dib loo dhigo wakiilada iyo; Doorasho, metalaad iyo kalsooni cusub iyo xoogaa dheeli saamiga kuraasta ah.Intii 82 kursi ka maqnaan lahaayeen (doorasho la’aan awgeed) waxaa u dhaanta inay aqbalaan kursi ama laba ka maqan oo gobol kale ka haysta. Culayska ugu badani awdal buu ka imanayaa, laakiin kuraasta ugu badani waxay ka maqantay maroodi-jeex iyo Sool. Laba kursi wax ka badani awdal u soo kordhi maayaan, reer hargaysa iyo laascaanoodna waa lagu qanci karaa inay masaladda saamiga dib udhigtaan. Xildhibaanada ku fashilmay arinkan ee doonaya inay iska sii fadhiyaan kama talin karaan arinkan.
Isku soo xooriyoo, anigu waxaan qabaa ma jirto durufo loo kala qaadaa sidi8 jadwalka ahaa ha lagu socdo. Haddii mid loo dh8gayana taasi yaanay noqon doorashada golaha wakiilada. Ramadaan kariim.
Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Xamse Cabdiraxmaan Khayre: