Hal-qabsi:
Habar habartii loo kala baxey,
Hiririgtii Yeedhey,
Harqadihii Gidaarada la Sudhey,
Dumarkii Heesaayey,
Hadafbaa Dhismaha Baarlamaan lagu Hubeeyaaye,
Hanaankii Wax loo Dooran Jirey, Weli Ma Heysaane,
Ka Habowdey Soomaalidaay, Hillinkii Toosnaaye,
Hadday Talladu kuu Muuqato, Oon lagula Haaneedin,
Huftaanyo iyo Waxay Kugu tartaa, Huq iyo Ciil eh,
Tixo ka mid Gabeygii Hadaf ee Gabyaa Cabdilaahi Suldaan-Timacade- 1964kii (AHUN).
Waxa mawduuc xaasaasi ah noqdey oo hadda inala deris ah “Saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiilada”. Dabcan, waxaa iyana iman doonta in midka guurtidu si deg-deg ah ugu lamaanaan doono Xiisadatan? Waxa aynu arkeynaa iyada oo si kala duwan, oo joogto ah ay deegaano dalka ah habba loo kala badnaadee ay uga hadlayaan Saamiga-qeybsiga? Haddaba, waxaa isweydiin leh halkee Salaadu ka xidhmi la’adahey? Waxa aan doorbidey in maqaalkan kooban aan ku bidhaamiyo in yar inta wakhtigu ii saamaxey waayaha taariikheed oo qodobkan leeyahey aniga oo si guud-mar ah u sameyn doona arrimaha ku taxaluqa saami-qeybsiga xilliyo kala duwan.
Alif kaa qaloocdaa Al-baqruu ku dhibaa eh, cursahadiisaba qodobkan ma uu helin maskax degan, oo xor ka ah xiisad siyaasiya ah misna gor-gortan aan ku lamaaneyn, mid fikir miisaan dhexe ah, saaxad degan oo saamaxda deganaansho loogu kuur-galo, iyo naf-hur loo sameeyo si kasta oo waayuhu ahaa Alle qadarkii ma suurto-galin meel-dhiga Saami-qeybsigu inta iyo inta aynu calan xor ah ku naalooneyney tan iyo 1960kii! Maxaa dhacey/jira oo u baahan in laga gaadho arrintan si xal rasmi ah loo helo?
- Maxaa qabyo ahaa bilowgii 1960kii marka iyo markii aynu xornimo raadsaney?
- Ugu horeyn habka doorashadu waxaa uu ahaa mid la kowsadey qabyo badan sababo ay ugu weyneyd isa seegii Ingiriiska ee qoonsigeena dhulka uu ku wareejiyey Itoobiya ee “Reserve Area iyo Hawd”! Isa seegaas oo soo dadejiyey dalbasho xornimo oo deg-deg ah taas oo ka soo hormartey xilliga ku-talogalku ahaa oo ku beegnaa illaa 1965kii! Halkaas waxaa ka curtey kala gurasho iyo kalsooni daro dhexmartey labadeena dhinac.
- Lama sameyn tirakoob rasmi ah. Waana qodob aasaas u ah bud-dhiga habka saami-qeybsiga.
- Lama sameyn diiwaan-gelin dhameystiran waana laga horyimid degmooyinka qaar ay ka qabsoontey sababo siyaasiya dartood oo axsaabta siyaasadu odaraseen ayaa looga guurey waana la baajiyey gebi ahaanba.
- Habka loo dhigey goobaha cayiman ee doorashada oo qabiileysnaa balse lagu wada qancey xilligakan. Waxaanu arrinku ku qabsoomey si kala dhiman nidaam ahaan oo xidhiidh la leh sababaha kor ku xusan.
- Halkaas waxaa ka dhashey qorshe qabyo ah oo mustaqbalka dhameystir u baahan balse ku yimid muddo iyo markii muddo la wadey oo si wadajir labada dhinac isula gaadheen go’aan ahaan. Waa kan saami-qeybsiga 1960kii oo xornimada lagu gaadhey misna saddexdii xisbi ay doorashadii Feb. 1960kii ku galeen kuna kala heleen 33kii xubnood ee la isla qaatey in kuraasta baarlamaanku noqdaan:
Degmada Hargeysa: 7 kursi
Degmada Boorama 5 ; ;
Degmada Berbera 5 ; ;
Degmada Burco 6 ; ;
Degmada Laas-caanood 5 ; ;
Degmada Ceeri-gaabo 5 ; ;
Wadarta Guud 33 ; ;
- Maxaa qabyo ah oo illaa maanta oo ay Somaliland 25 sanno cimri tirsatey u baahan fulin?
- Lama sameyn tirakoob rasmi ah ummad ahaan si loo sugo tirada dhabta ee muwaadiniinta iyo sida ay deegaanada kala duwan ugu qeybsan yihiin midan oo saldhig u ah la socodka xaalada nolosha joogtada ee muwaadiniinta oo deegaan walba.
- Inta laba goor ah oo diiwaan-gelinta codbixinta la qabtey ma aha mid dhameystiran, hufan, farsamo ahaan si qoto-dheer loo daraaseeyey sida iyo sida ugu sahlan, fudud, oo ugu kharash yar oo loo qaban karo diiwaan-gelinta oo ah mid laf-dhabar u ah qabsoomida doorasho sunne fiican leh.
- Habka saami-qeybsigu waa mid kala dhantaalan nidaam ahaan sababo la xidhiidha qodobada aynu kor ku xusney. Ma jiro wax laga horumarey sida loogaga soo gudbey doorashadii 2005 oo xal laga gaadhey wakhtigaas.
- Lama sameyn qabyo-tir sida iyo sida qorshuhu ahaa doorashadii 2005 ka dib in xeerka doorashada golaha wakiilada loo diyaariyo mid dhameystiran si loo helo doorashada xigta oo hadda aynu soo wakhti dhaafney. Arrintan waa guul-daro weyn oo ummada iyo dalka laga galey misna aan lagala xisaabtamin cida masuuliyada laheyd si sharciga waafaqsan.
- Waxaa jira Murano qaar ka mid ah deegaanada dalka galbeedku ha ugu badnaado eh. Lama hirgelin fulinta xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka. Waa qodob aan waxba laga qaban balse waa la siyaasadeeyey oo loo goleeyey.
- Qabyaalada oo xadhkaha goosatey oo gaadhey meel aad u halis ah.
- Maxaa fursad ahaan qabsoomey oo caawin kara fulinta awaamiirta dowliga ah iyo in himilada la gaadho?
- Dadka oo illaa xad inagu filan colaada illaawey marka laga reebo isu dhacyo kooban oo si deg-deg ah loo xalliyo.
- Ummada oo si rasmi ah u bisil in dowladnimo lagu dhaqmo oo ay tahey mida keliya oo nolosha ummadu u baahan tahey lagu gaadhi karo.
- Kalsooni si guud ummadu ku qabto hadba nidaamka dowliga ah ee jira iyada oo ficlan ku qanacdey in si nabadgelyo ah loola kala wareego maamulka si waafaqsan xeerarka dowliga ah.
- Ummada oo aqbashey in nidaamka talo-wadaagu ku saleysnaado habka xisbiyada badan oo inta muddo aheyd lagu dhaqmayey balse gaabis badan iyo hungo ay ummadu kala kulantey kuwa iyo inta ay doorbideen wax-garad, indheer-garad, aqoonyahan, siyaasi IWM. Maba ay hano-qaadin xisbiyada la odorasey muddo 14 sanno ku siman!
- Maxaa haboon in lala yimaado si mushkilaha looga gudbo?
- Ugu horeyn in la fuliyo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka sida ku cad xeerka dowliga ah iyo dastuurka (lix degmo maamul ee 1960kii). Waa in xuduudaha la wada cayimo oo si rasmi ah loo fuliyo hirgelintooda.
- In la sameeyo tira-koob rasmi ah oo dalka ka wada qabsooma si fudud, hufan, dhameystiran, kharash yar oo xilkasnimo lagu fuliyo si deg-deg ah.
- In la toosiyo, la hagaajiyo, oo si hufan oo wacan loo qabto diiwaan-gelinta codbixiyaha oo sunne u ah qabsoomida doorasho fiican.
- In la sameeyo oo la qabyo tiro saami-qeysiga xubnaha golaha wakiilada uu deegaan walba xaq u yeelan karo in laga soo doorto. Waa in aynu sameyno sunnaha ay tahey in lagu saleeyo oo uu waajibinayo nidaamka SAAMI-QEYBSIGA OO CUGANEY. Kuwaas oo si cayiman loo qoondeeyey iyada oo lagu saleeyey dhamaan shuruudaha waajibka ah.
- In xisbiyadu ka shaqeeyaan oo fuliyaan habka maamul ee xisbiyada ku waajibka ah iyada oo hay’adaha sharcigu kula xisaabtamayaan xil-gudashada masuuliyadooda mar walba.
- In laga fogaado qabyaalada adeegsigeeda oo meel aad halis u ah inala mareysa hadda! Waa arrin halis ku ah qaranimada hano-qaadey oo u baahan in aynu ka waantowno haddiiba kale is haligney-Alle kama dhigo eh-!
- In lagu shaqeeyo xilkasnimo, wadanimo, maskax ka xor ah caadifad, xiqdi qabiil, xin sokeeye, iyo damiir dadnimo oo ah midka xilliyo adag aynu kaga soo gudubney.
- In la joojiyo sida aan hufneyn oo hadda golaha wakiiladu u gudo-galey howsha oo aan dhaxal fiican laga gaadhi doonin mustaqbalka balse hungo hor leh lagala kulmi doono. Sidaa darteed, waa in aynu hadda iyo goor sameyno xilkasnimo dhab ah, run ah, iyo xil-gudasho waajib dastuuri ah.
Aan ku soo urruriyo maah-maahda; cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer, daawada lama gaadhayee, waxaa reer Somaliland la gudboon isweydiin ah, horta weli ma loo hagar baxey intee siyaasi, aqoon-yahan, xeel-dheere dal-mareen ah, kooxo dan ku midoobey, iyo inta la sifo wadaagta ay meel ina fureen oo kaga kaaftooney in lagaga gudbo dhibaato culus illaa laga soo bilaabo gobanimo doonkii 1940dii iyo illaa wakhtigakan aynu joogto? Waxaa kale oo isweydiin leh; Maxaa keeney in arrintu sidatan xiisad u noqoto? Haddiiba aynu kala jiidano ayaa macaash ugu jiraa ama khasaare kala kulmaya? Su’aalahaas inta badan akhristayaasha ayaan u dhaafayaa.
Gebo-gabadii, waxaa xusid mudan odhaahdii Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar (AHUN) iyo madashii Shirweynaha Boorama ee 1993kii ka yidhi oo digniin ugu filneyd saddex kooxood oo ku kala qeybsamey diyaarinta Axdi-qarameedka ku-meelgaadhka ahaa “Haddii aad beri idinka oo mideysan oo hal nuqul sida noo iman weydaan, waxaanu idiin balan qaadeynaa in dalkan iyo dadkiisaba aan siyaasi iyo aqoon-yahan dambe loo weydiin doonin xal iyo daawo si kasta oo arrimuhu u murgaan”. Odhaahdaas waxay xakameysey nimankii siyaasiyiinta iyo aqoon-yahanka isugu jirey oo shirweynaha dheesha la yimid balse qiyamka cullimada iyo Caqliga duubabka dhaqanku ka diideen in ujeedooyinkooda kooxeysan ka fulaan madasha waaney sameeyeen amarkii isla subaxii xigey oo keeneen hal nuqul balse uu ku lamaanaa laaxin badan.
Maanta iyo dan, ceelna uma qodna ciidana uma maqna balse aynu la nimaadno CAQLIGA SAN OO LAGA GUDBI KARO waayaha ina barriinsadey oo inala deriska ah ummadeenatan nasiibka badan?
Waxaan ku soo afmeerey haldkudhigeyga doodatan oo kale: Somaliland: maxaa howl inoo qabyo ah?
Allow sahal ammuuraha Addaa qaadir ah-Amiin…………Amiin……….Amiin.
Alla mahad leh,
Mustafe Suleymaan Cilmi,
Hargeysa, Somaliland.
Cell phone: 00252 (0)634137470
Email: mustafe72@gmail.com