Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga
Waxaynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida, haddii waxaynu ku hadlaynaa yahay wax Alle SWT raali galinnayn sida xadiiska ka muuqata ayeynu waxaynu ku galabsannay naar kuna galaynaa.
Ilaahay isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay “Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisi daan.” intan aad ku socota ba ee aad wax ku arkaysaba annagaa leh. Sidoo kale carrabkan iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu, haa Allow adaa na siyey, sidaa awgeed waxa innala gudboon mahadcelin.
Ilaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay in uu ina siiyey carrab hadalka soo saara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soo saara waa carrabka, kaas oo aynnu ku kala duwannahay makhluuqaadka kale.
Sida oo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeenna ka soo baxa inuu yahay mid guntan oo la qorayo:
“Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.”
Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?
Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyada oo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono, waxaana taa muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka suubani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.
Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW miyaanad arag marka Alle SWT leeyahay:
“Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.”
Sida oo kale Caai’sha Rc ayaa mar la waydiyey habdhaqankii Rasuulka CSW waxay ku tidhi:
“Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Quraanka.”
Rasuulku CSW wuxuu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa.
Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa:
“Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”
Hoos ka akhri qaybihii hore:
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com