Nin Afgaanistaani ah oo magaciisa lagu sheegay Cumar Mateen ayaa goor dhawayd magaalada Orlando ee gobolka Florida toogasho ku dilay 50 qof halka uu ku dhaawacay 53 kale.
Dilkan ayaa noqday kii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Maraykanka marka la eego tirada dadka geeriyooday iyo inta dhaawacmay.
Ninka weerarka qaaday ayaa beegsaday goob kalaab ah oo ay isugu yimaadaan ragga u galmooda ragga iyo dumarka guursada dumarka iyo sidoo kale ragga qalliinka lagu sameeyey ee dumarka laga dhigay iyo dumarka qalliinka lagu sameeyey ee ragga laga dhigay.
Cumar Mateen oo ku dhashay New York laakiin waalidiintiisu ay ka soo haajireen Afgaanistaan ayaa lagu yaqaanay in uu aad u necbaa ragga iyo haweenka khaniisiinta ah.
Baadhitaannada hordhaca ah ee la sameeyey ayaa muujinaya in ninka dilka gaystay oo da’diisu tahay 29 uu xidhiidh la lahaa kooxda mayalka adag ee ISIS.
Markii uu Cumar Mateen dadka tooganayey wuxu garaacay lambarka boliiska ee 911, wuxuna ku yidhi waxan ahay ISIS, raggii Boston wax ku laayey saaxiibkood.
Waxa la werinayaa in Cumar Mateen uu falkan aad u qorsheeyey lamana sheegin cid weerarkan isaga ku weheliyey.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu hayo warar ku filan oo muujinaya in falkani ahaa mid argagixiso.
Taageereyaal ISIS ah oo jooga meelo kala duwan oo dunida ah ayaa aad u ammaanay falkan uu ku kacay Cumar Mateen iyagoo ku sheegay in uu abbaaray dad akhlaaq xun oo u baahan in dunida laga dhammeeyo.
Golaha Muslimiinta ee Maraykanka ayaa cambaareeyey falkan kuna tilmaamay fal-dambiyeed aan sal ku lahayn diinta Islaamka.