Baarlamaanka Faransiiska waxay ku taliyeen in isbadal lagu sameey sirdoonka

Weeraradii Paris ee sannadkii hore lala beegsaday, Kadib baadhitaano ay sameeyey baarlamaanka Faransiisku waxay ku taliyeen isbadal lagu sameeyo sirdooonka.

Gudigaasi waxay sheegeen in loo baahan yahay in la isku dhafo qaybo badan oo hal hayโ€™ad laga dhigo.

Hoggaamiyaha gudigaas Georges Fenech ayaa soo bandhigay gudi la mid ah xarunta argagixiso la dagaalanka Maraykanka ee heer qaran.

Labadii weerar ee dhacay bishii January iyo November oo ay ku dhinteen 147 ruux ayaa horseeday dhaleecayn loo soo jeediyay jawaab celinta laamaha ammaanka.

Guddigaasi waxa kale oo ay dhaleeceeyeen xukuumadda Belgium oo ay sheegeen in ay ka gaabisay hor istaagida Salax Cabdisalaam oo ka qayb qaatay weerarkii bishii November. Markii dambese waxa bishii March lagu xirdhay magaalada Brussels.

Dhanka kalena guddigaasi wuxu ogaaday in xukunkii dagdaga ahaa ee la soo rogay weerarka kadib in uu isbadal kooban ku soo kordhiyay ammaanka.

6,000 ilaa 7,000 oo ciidan ah ayaa ka hawlgala Faransiiska kuwaas oo qayb ka ah talaabooyinka ammaanka sare loogu qaadayo si ay u ilaaliyaan, Iskuulada, macbadyada Yuhuudda iyo xarumaha kale ee xasaasiga ah.

bandhige@gmail.com