Bangaladheesh waxay daldashay hoggaamiyihii xisbiga Islaamiga

Bangaladheesh ayaa waxay xukun dil a ku oogtay Hoggaamiyihii xisbiga islaamiga ah ee ugu weyn waddankaas Motiur Rahman Nizami, iyadoo loo haystay in uu galay dambiyo dagaal intii uu socday dagaalkii madaxbanaanida ee ay kula jireen Baakistaan sannadkii 1971-kii.

Wararka laga helayo daldalaada Motiur Rahman Nizami ayaa waxay sheegay in lagu daldalay xabsiga dhexe ee lagu magacaabo Dhaka.

Nizami oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Jamaacatul Islaami, ayaa lagu riday xukunno isugu jira xasuuq, kufsi iyo inuu abaabulay dil aan cidna loo aabo yeelin intii uu dagaalku socday.

Waa qofkii shanaad ee ka tirsan hoggaamiyeyaasha sare ee mucaaridka oo dambiyo dagaal loo dilo tan iyo sannadkii 2013.

Xisbiga Jamaacatul Islaami ayaa ku baaqay in shaqo joojin waddanka oo dhan laga sameeyo maanta oo Arbaca ah, iyadoo looga soo horjeedo dilka.

bandhige@gmail.com