Barlamaanka India ayaa ansixiyay sharciga muranka badan ee dhalashada muwaadinimada (CAB), kaas oo dhalashada siin doona dadka laga tirada badan yahay ee diimaha kale ka kala yimid ee waddamada dariska ah, iyadoo khubarada xagga sharciga ahi ay sheegeen in ay jabinayso dastuurka dalka.
Sharcigan ayaa isbedello ballaadhan ku keenaya sharciga jinsiyadda oo 64-sano jirsadayย isagoo dhalasho siinaya dadka laga tirada badan yahay – Hindus, Sikhs, Buddhist, Jains, Parsis iyo Masiixiyiin – oo ka yimid Bangladesh, Afghanistan iyo Pakistan.
Laakiin dadka dhaleeceeya sharcigan ayaa waxay sheegayaan in sharciga uu soo saaray xisbiga talada haya ee Hindiya Bharatiya Janata Party (BJP) uu wax u dhimayo dastuurka dalka, iyadoo dhanka kale xisbiyada mucaaradka, kooxaha laga tirada badan yahay, aqoonyahannada iyo guddi federaali ah oo Mareykan ah ay ku tilmaameen midab kala sooc ka dhan ah Muslimiinta.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo tallaabadaas ayaa ka dhacday qaybo kala duwan oo Hindiya kamid ah, oo ay ku jiraan qowmiyadaha kala duwan ee waqooyi-bari, halkaas oo dadku ka cabsi qabaan in soogalaytiga Hindiya ee bilaa sharciga ah ee ka imanaya Bangladesh la siin karo dhalasho.
Bandhige@gmail.com