Madaxwaynihii hore ee Dalka Sudaan Cumar Albashiir ayaa hortegay Xeer Ilaalinta Suudaan

 

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar al Bashiir ayaa hortagay xeerilaalinta waxana su’aalo laga waydiinayaa Afgambigii uu hogaaminayay ee uu talada ku qabsaday sannadkii 1989kii

Kulankan oo qaaatay muddo saacad ah ayaa waxa dibad joog ka ahaa qareenada Albashiir, waxaana hadheeyay dibad-baxayaal ka soo horjeeda.

Albashiir ayaa iskii u go’aanaday in uu hor tago xeer-ilaalinta waxaana ay tani la micno tahay in uu ku gacan saydhay taladii qareenadiisa ee ahayd in aanu hortagin xeer-ilaalinta

Haddii Bashir lagu helo in uu ka dambeeyey afgambiga, waxa laga yaaba in lagu rido xukun dil ah ama xabsi daa’in.

Bashir ayaa lagu hayaa xabsiga Kober oo ku yaala caasimadda Khartoum.

bandhige@gmail.com