“Beesha Caalamku aad bay uga walaacsan tahay dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiillada Somaliland” War-saxaafadeed

War-saxaafadeed casarkan maanta uu baahiyey xafiiska ay xukuumadda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa isla markaana ay wadajir ugu saxeexan yihiin Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Sweden, Denmark iyo Koox-hawleedka Doorashooyinka Somaliland ayaa si adag loogu sheegay in ay beesha caalamku walaac ka qabto doorashada Baarlamaanka Somaliland ee uu madaxweyne Siilaanyo go’aamiyey in dib loo dhigo.

Bandhige News ayaa war-saxaafadeedka oo af-Ingiriisi ku qornaa af-Soomaali u rogay. Wuxuuna u dhigan yahay sidan:

“Beesha caalamku waxay walaac weyn ka muujinaysaa go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland dib ugu dhigay doorashada Baarlamaanka ee muddaysnayd in ay qabsoonto March 2017. Dib-u-dhacan aan wax kalifay jirini wuxu dhaawacayaa kalsoonidii dadweynaha iyo beesha caalamku ku qabeen geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland. Go’aankan waxa lagu dhawaaqay iyadoo aan si cad loogu salayn sharciga ama Dastuurka, iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland-na uu hore u go’aamiyay in doorashadu qabsoonto bisha March. Tiro aad u badan oo dadweynaha Somaliland ahi waxay kiyuuga u galeen is-diwaangelinta codbixiyaha iyagoo niyadda ku haya in ay labada doorasho mar wada dhacayaan, waxaanay xaq u leeyihiin in loo oggolaado in ay codkooda u dhiibtaan sidii ay filayeen.

Beesha Caalamku gacan weyn ayay ka gaysteen geeddi-socodka doorashada taas oo ku salaysnayd in Somaliland ay ka go’an tahay in ay labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay wakhtigeedii ku qabanayaan. Sida wanaagsan ee degdegga ah ee loogu guulaystay dhammaytirka diwaangelinta codbixiyuhu waxay inoo muujinaysaa in doorashooyinku ku qabsoomi karaan wakhtigii loogu talo-galay ee ahaa March 2017, taas oo ay tahay in aan la beddelin. Qaadhaan-bixiyeyaashu si culus ayay u maalgeliyeen u diyaar-garowga doorashada, mana doonayaan in ay arkaan ballantaas oo la yaraystay iyadoo kolba dib loo dhigayo. Qaadhaan-bixiyeyaashu ma bixin doonaan kharashka uu soo kordhin doono go’aanka doorashada Golaha Wakiillada dib loogu dhigay, culayskaasina ayaan-darro wuxu dusha ka fuuli doona dadka Somaliland.

Beesha Caalamku waxay isku raacsan tahay in wada-xaajoodka dadka Somaliland uu yahay hadaf muhiim ah. Waxaanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu si degdeg ah u dejiyo qorshe cad oo wata jadwalkiisa, kaas oo lagu dhammaystirayo kuraasta baarlamaanka oo si caddaalad ah loo qaybiyo iyadoo loo raacayo qaaciido iyo dadka Somaliland oo siyaasad ahaan ka wada qayb-gala doorashada baarlamaankooda. Waxaanu mar kale ku celinaynaa in wakhti cayiman oo loo sameeyo muddo-xileedka Baarlamaanku ay suurto-gelin doonto kuraasta Baarlamaanka oo dib loo qaybsado iyo hannaanka lagaga wada-xaajoonayo oo qabsooma muddo-xileedka Baarlamaanka. Sidaas daraadeed, waxaanu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqaynayaa in uu go’aankiisa dib ugu noqdo isla markaana uu doorashada Madaxweynaha iyo ta Baarlamaanka mar kaliya wada qabto bisha March 2017.”

Waxa wada-jir ugu saxeexan Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Sweden, Denmark iyo Koox-hawleedka Doorashooyinka Somaliland.

Waxa turjumay: Bandhige News

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo af-Ingiriisi ku qoran.

Press Release Somaliland Elections: British Office and the International Community Statement

 

capture-press-release