Suโaashani waa mid ka mid ah suโaallaha ugu waaweyn ee culuunta Social Sciences la iska waydiiyey. Dalalka fahmay sida ay suโaashani u dhacayso iyo nuxurka jawaabta saxda ah ayaa maanta noqday kuwa dawladnimada ku liibaanay.
Dhaqaaluhu waa waxa maanta nolosha aadamaha suura-galiya jiritaankiisa, waxa uu ka bilaabmaa helista waxa nolosha u aas aasiga ah, sida biyaha, cunnada, hoyga iyo maryaha oo intuba aaney ahayn kuwa bilaash ah oo ku filan aadamaha dunida guud keeda ku dhaqan.
Nolosha aas aasiga ah ayaan ku filneyn maanta dadka adduunka ku nool oo aynnu ognahay in 12.7% ama ku dhawaad 900 oo milyan ay gaajaysan yihiin oo aaney heli karin cunno, maryo, biyo iyo hoy ay ku noolaadaan ama caafimaad iyo waxbarasho. Haba joogto nolosha inteed fakahaadsiga ah sida helista gaadhi, telephone iyo internet.
Cilmiga dhibtaa laga ga baxayo ee khayraadka ummada lagu gaadhsiinayo si gaajada loo yareeyo oo inta dharagtay iyo inta gaajaysan khayraadka la isugu celceliyo ayaa waxa la yidhaa cilmiga dhaqaalah (economics).
Marka ay sidaa tahay waa hubaal in aan cilmi kaliya awooddaa qaybinta ah lagu sameyn kareyn e, maxaa tallow mihim ah ee loo baahan yahay?
Waxa loo baahan yahay siyaasad! Waana cilmigii dawladnimada ee awoodda badnaa, ujeedada laga leeyahay na ay ahayd in lagu abuuro nolol wanaagsan oo amni, garasho, isfaham, wax wada lahaanshiyo, wax kala lahaanshiyo iyo walaalnimo suura-galin lahaa.
Siyaasaddu si ay u shaqeyso waa in ay sameysaa marka hore amni xasilnaanshiyo dheeri ah wata. Intaa ka dib waa in ay unugtaa farsamo ay dhaqaalaha ku hagto, ma aha ku dajisyo ama ku maamusho taasi waa tii shuuciga ee lagu khasaaray. Waa in ay siyaasaddu dhaqaalaha u dhigtaa gogol nabaddeed iyo marin toolmoon oo ay ku wada shaqeeyaan.
Si taa loo helo waa in dhaqaala yahanka iyo siyaasigu kala madaxbannaanaadaan, si ay siyaasaddu u abuurto jawi ganacsadaha iyo bulshadu u kala faaโidaan. Siyaasaddu waa in dhaqaalaha ay ku toshaa danta shacabka si guud, si gaar ahna amniga iyo xasilnaanshiyaha uga isticmaashaa.
Waa halkaa halka ay siyaasadda iyo dhaqaaluhu iskaga xidhmaan. Wixii suโaal ahi way idiin furan tahay. Mawaadiicda waaweyn ee siyaasadda iyo dhaqaaluhu waa ay innoo danbeeyaan, qoraalkani waa kabashadii ugu horreysay. Mahadsanidin.