Booqashada Wasiirada Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caddaaladda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa

 

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ee uu ugu horeeyo Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maayar-ku-xigeenka Mudana Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) iyo Xog-hayaha Fulinta Mudana Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo) ayaa waxay ku marti-qaadeen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Mudane Axmed Faarax Cadarre inay ka la soo qeyb-galaan shirka todobaad-laha ah ee Dar-dar-gelinta Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, shirkaasoo ka qabsooma Xarunta Dawladda Hoose Maalin kasta oo Sabti ah 7:00 โ€“ 9:00 Subaxnimo.

Booqashada masuuliyiinta xukuumadda dhexe oo daar-neyd sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen shirka iyo habsami-u-socodka dhaq-dhaqaaqyada horumarineed ee DHH. Shirku wuxuu ku bilaabmay jawigiisii caadiga ahaa iyo ujeedooyinkii loo asteeyay, oo ay ugu horeeyeen Qurโ€™aanka Kariimka ah, War-bixin laga dhagaysto kor-meerayaasha Nadaafadda ee caasimadda, war-bixinta dakhliga iyo u diyaar-garawga wiiga cusub iyo kor-u-qaadidda shaqada Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waxaa hadalka qaatay Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada iyo Bilicda Mudana Khadar Yuusuf Cali oo ka hadlay hawl-gal ay wada sameeyeen waaxda iyo ciidanka booliska degmadu oo ay ku soo qabteen Daqiiq wakhtigeedii dhacay oo gaadhaysa 1,155 kiis, iyadoo lagu buufinayay sun sidoo kale na laga badalayay jawaanadii ay ku jireen, kaas oo lagu guulaystay in la xaqiiqsaday cidii ka dambaysay fal-dambiyeedkaas na waa la xidhay, kiiskaasina maxkamaduu yaalaa. Waxaa kale oo uu agaasime Khadar ka hadlay in ay wiigan waaxdoodu aastay saddex ka mid ah afar may doo la-garan waayay, saddex ka mid ah na ay Hargeysa ku aaseen, hal qof oo Kiristaan ahaana ay u direen Wajaale maadaamo oo aanay Hargeysi lahayn meel lagu aaso dadka gaalada ah ee ku dhex-bakhtiya Soomaalilaan dhexdeeda, waxaana uu agaasimuhu ka codsaday dawladda dhexe in la sameeyo xabaalo u gaar ah dadka gaalada ah oo lagu aaso. Ugu dambeyn wuxuu Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada iyo Bilicdu ka hadlay in ay meel fiican u marayso goob lagu shubo qashinka ka soo baxa cisbitaalada Hargeysa oo markii hore ay dhakhtarradu ku dari jireen qashinka caadiga ah, waxaanay halis ku tahay fayo-dhawrka iyo nadaafadda guud ee caasimadda.

Intii uu shirku socday wasiiradu wax hadal ah kumay darsan, waxaanay ka ahaayeen dhagaystayaal fir-fircoon. Markii uu shirku soo id-laaday ayaa waxaa uu duqa caasimaddu ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Sacad Cali Shire oo mahad-celin iyo hambalyo iskugu raaciyay Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo horumarinta ay ka samaysay dhinacyada Nadaafada iyo Wadooyinka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay โ€˜ Aad baad u mahadsantihiin, sida aad noogu marti-qaadeen shirkiina, waxaanan aad idiinku hambalyaynayaa sida wanaagsan ee aad iskula xisaabtamaysaan, waxaanay muujinaysaa inaad hore-usocotaan. Waxaanad masuul ka tihiin %25 dadweynaha reer Soomaalilaan, idinkay idin sugayaan. Waxaa uu wasiirku soo jeediyay dhawr qodob inay ka shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin, in la sameeyo meelo ay dadku maraan, wadooyinka badan ee aad samayseen waxaad ku dartaan dayac-tir joogta ah, iyo in aad ka xakamaysaan xoolaha magaalada dhexdeeda daaqa. Waxaa uu wasiirku intaa ku daray waxaad tihii muraayaddii Soomaalilaan waana meesha ay dalalka ina la shaqeeyaa ay inaga eegaan oo haddaynu qurxinno, wax badan baa la inoogu darayaa.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Mudana Cadarre ayaa isaguna u mahadceliyay kuna hambalyeeyay Dawladda Hoose ee Hargeysa is la xisaabtankan iyo huf-naanta wax-qabadka, waxaana uu kula dardaarmay inay ficil-u-rogaan aragtiyada toolmoon ee lagu gaadhsiin karo is-beddel muuqda. Waxaa uu sidoo kale wasiirku sheegay in nuxurka ka soo baxa shirka Dawladda Hoose Hargeysa ee dhinacyada nabad-galyada iyo faya-dhawrka iyo bilicda ba inay la wadaagaan shirka wasiirada si ay goโ€™aanno uga soo saaraan. Waxaa ugu dambeyntii ka hadlay duqa Caasimadda Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo uga mahad-celiyay wasiirada siday u soo ajiibeen marti-qaadkii waxaa kale oo uu Maayarku sheegay in horumar badan ay samayn lahaayeen ee ay kaga xidhan tahay maaliyad laโ€™aan markaa waxaa uu ka codsaday Wasiirka Arimaha Dibadda inuu dalalka uu booqdo ee Soomaalilaan la shaqeeya uu Dawladda hoose na ku soo xidho si ay u sii laban-laabto hawlaheeda ku waajahan horumarinta.

 

Bandhige@gmail.com