Diyaaradda Daallo waxa lagu qarxiyey bam lagu rikibay laptop

Xukuumadda Soomaaliya ayaa baadhitaankii ay samaysay ku ogaatay in qaraxii Salaasadii lala beegsaday duulimaadkii Daallo ee lambarkiisu 3159  loo adeegsaday bambada milatarigu adeegsado ee loo yaqaan TNT oo lagu rakibay kombiyuutar, gaar ahaan nooca “lapto-ka” loo yaqaan kadibna la qarxiyey markii ay hawada ku jirtay 15 daqiiqo.

Sida uu goor dhawayd baahiyey telefishanka caanka ah ee CNN, labtop-ka waxa sitay nin Soomaali ah oo magaciisa la yidhaa Cabdisalaan Cabdillaahi Boorleh, kaas oo markii qaraxu dhacay isaguna dhulka ku soo dhacay iyada oo diyaaraddu weli hawada ku jirta.

Sida muuqata Cabdisalaan wuxu fadhiistay meel istiraatijik ah oo u dhaw taangiga shidaalka, wuxuna ugu talo galsanaa in diyaaraddu soo dhacdo dadkii saarnaa oo 74 qof ahaana ay halkaas ku le’daan, hase ahaatee natiijadii waxay noqotay in uu geeriyoodo isaga oo aan cidna galaafan.

Qaraxa ayaa god weyn oo in yar uun ka yar albaabka diyaarada laga galo ka banneeyey baalka dushiisa, meel in yar uun ka sarraysa taangiga shidaalka.

Khubarada aqoonta durugsan u leh duulimaadyadu waxay aad u ammaaneen duuliyihii diyaaradda Vladimir Vodopivec oo ku guulaystay in uu soo fadhiisiyo iyada oo bed qabta. Waxay tibaaxeen in aanay diyaaraddu marnaba bedbaadeen haddii uu duulimaadkeedu ka sarrayn lahaa halkii ay maraysay markii bambku qarxay oo ahayd inta u dhaxaysa 12000 ilaa 14000 oo fuudh.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku nasiib badnayd iyada oo dib u dhacday 1 saac iyo dheeraad, taasina ay sababtay in qaraxu dhaco iyada oo aan heerkii ugu dambeeyey ee duulimaadkeeda gaadhin.

Duulimaadka Daallo 3159 wuxu ka soo bilaabmay Sucuudi Carabiya wuxuna markan qaraxu dhacay ee uu ka kacay Muqdisho u sii jeeday Jabuuti.

Ma jirto weli cid sheegatay qaraxan waxase lagu tuhumayaa kooxda Al-Shabaab oo cadcaaddii soo baxdaba dhibaatooyin ka gaysta Soomaaliya.