Xukuumadda Somaliland oo beryihii ugu dambeeyey lagu eedaynayey in ay iibiso dhulkii iyo hantidii dawladda iyada oo aan loo marin sifihii sharciga ahaa ayaa haatana sida Wargeyka Ogaal qoray lagu warramayaa in ay iibisay Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaalla badhtamaha suuqa Hargeysa.
Wararku waxay sheegay in qayb ka mid ah dugsigan laga iibiyey nin ganacsade ah oo aan weli magaciisa la carrabaabin.
Iibka dugsiga Sheekh Bashiir ayaa wax aka hadlay Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sh Bashiir oo ka mid ah eheladii Sheekh Bashiir oo sheegay in xukuumaddu ku kacday arrin fool xun, ย maadaama ay dugsiga Sheekh Bashiir ee Arday yaryar wax ku dhigtaan iiibiyaan badh ka mid ah, waxaanu shacabka ugu baaqay in si degdeg ah ay arintani uga hadlaan.
Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sheekh Bashiir oo arrintaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi:
โArrintani waxaanu wax ka waydiinay wasiiru-dawlaha waxbarashada Axmed Nuur faahiye,balse wuxuu noo sheegay in aanay run ahayn laakiin waxaa noo yimi xubno wasiiro kuwaasi oo meesha eegayayana oo ka mid ah duriyadii Sheekh Bashiir, waxaan ugu baaqayaa Shacabka Somaliland In ay xaaraan tahay in la iibsado dhulka uu ku yaalo dugsiga Sheekh Bashiir oo ay dawladdii Riyaale ka xishootay, ย waxaana ay xukuumaddani bilowday in ay maanta iibiso dugsigii Sheekh Bashiir ee ay ardaydu wax ku baranayeen, ย xagee carruurtu wax ku baran haddii dugsigaba la iibiyo, ย hadda waxay leeyihiin dugsigoo dhan maahee waa qayb ka mid ah, laakiin ย isaga oo dhamina wuu ku xigaa in la iibiyo.โ
Sidoo kale waxa haatan taagan muranka tiyaarka Hargeysa oo xukuumaddu kala siisay ganacsade Cumar Caydiid iyo Suldaan Saleebaan. Muranka ayaa waxa haatan saldhiga Ibraahim Koodbuur ugu maalintii saddexaada ganacsade Cumar Caydiid.
Dhinaca kale waxa maanta salaadii Jimce ka hadlay muranka tiyaatarka Hargeysa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud XIiray oo sheegay in xukuumadda ka dheeraato muranka dadka ay iska hor keenayso, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โwaa taa maanta tiyaaarkii la isku haystee, Xukuumaddii markii ay meelkasta soo dhaaftay ayaa waxay iska hor keenaysaa qabaaโilkii Hargeysa deganaa.โ
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
โWaxaanu xukuumaddu ugu baaqayaa in ay kala hagaajiso dadkan ay madaxa isku galaysay, tani waa ta xukuumaddaha faashilka ahi ku madaxa iskugu galayaan dadweynaha si ay iskaga jeediyaan.โ
Iibka danta ayaa waxa xukuumaddani bara dhaafisay xukuumaddii hore Riyaale oo ku dhaleecayn jireen in xaraashay dhulkii xukuumaddu lahayd, balse ay iyagu ka dhigeen hal daba laโ.