Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo Maalintii lixaad ay ka soo wareegtay Safarkii uu ku marayey gobolada dalka qaar ka mida, habeenkii xalay ahaana ku soo hayday Berbera ayaa maanta oo jimce ah waxa uu la tukaday shacbiga ku dhaqan Berbera.
Markii uu Madaxweynuhu salaada ka soo baxay ayey shacbiga ku dhaqan magaaladu isugu soo baxeen waddooyinka iyo masjidka hortiisa iyagoo madaxweynaha si diiran oo kal iyo laaba ugu soo dhawayneen gacmo furan iyo sacab.