Sucuudiga oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu ciidamo lug ah u diro Suuriya

Saudi soldiers stand at attention in front of tanks during a visit by Deputy Defence Minister Prince Khaled bin Sultan (unseen) at Al-Khoba in the southern Jizan province near the border with Yemen on January 27, 2010. Sultan said that Yemeni Shiite rebels were chased out of the kingdom and did not pull out on their accord as they claim. The leader of Shiite rebels, known also as Huthis, had announced on January 25 the voluntary withdrawal of his fighters from positions occupied within Saudi Arabia. AFP PHOTO/STR (Photo credit should read -/AFP/Getty Images)

Xukuumadda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto dalka Suuriya oo uu ka holcayo dagaalka ugu ba’an ee hadda ka socda dunida iyadoo ay dalkaas ku legdamayaan kooxo dhawr ah oo mucaaridka ah, xukuumadda Suuriya iyo huwan aalami ah oo uu hoggaaminayo Maraykanku.

Xukuumadda Sucuudigu waxa ay sheegtay in dagaal dhinaca cirka ah oo kali ahi aanu xal ka keenayn Suuriya, sidaas daraadeed ay diyaar u tahay in ay ciidamo lug ah geliso dalkaas.

Dhawaqa Sucuudiga ayaa yimid kadib markii shalay ay xukuumadda Suuriya guulo ka soo hoysay dagaal ay ku qaadday mucaaradka dalkaas oo ay kaga qabsatay goobo istiraatijig ah oo cusub iyadoo caawimo dhinaca cirka ah ka helaysa dawladda Ruushka oo ay ka go’an tahay in aan xukuumadda bashaar Al-Asad meesha laga tuurin.

In kasta oo dunidu heshiis ku tahay kooxda ISIS oo ka hawlgasha Suuriya, haddana waxa hubaal an in ay dawlad kasta ugu hoos jirto dan u gaar ah, taas oo keentay in uu mar walba burburo shirarka dib-u-heshiisiinta ee dalkaas loo qabto.

Shirkii ugu dambeeyey wuxu Burburay Arbacadii kadib markii iyada oo wada-hadalladu socdaan ay xukuumadda Suuriya oo kaashanaysa Ruushku ay dagaallo cusub qaadday.

Bandhige@gmail.com