Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay ku soo hoyday Berbera kadib markii uu safar maalmo qaatay ku maqnaa Togdheer.
Madaxweyne Siilaanyo waxa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhaxeeya Burco iyo Berbera, gaar ahaan waa si diirran loogu qaabiley degmada Sheekh.
Isaga oo meel fagaare ah kala hadlaya dadweynaha reer Sheekh Madaxweyne Siilaanyo wuxu yidhi:
“Sheekh waa halkii aan ku barbaaray, wax ku bartay, ku guursaday…waa magaaladii aanu wax weyn isku ahayn.”
Madaxweyne Siilaanyo wuxu reer Sheekh ku ammaanay marxabaysiinta iyo soo dhawaynta madaxda.
Hoos ka daawo muuqaalka safarka madaxweynaha: