Madaxweyne Axmed Maxamed โSiilaanyoโ oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa gobolka Togdheer ayaa maanta kormeer iyo xadhig ka jarid ku soo maray Wersheda Saabuunta ee Ileys.
Intii lagu gudo jirtay kormeerka wersheda saabuunaha kala duwan waxa madaxweynuhu warbiximo kala duwan ka siinayey Guddoomiyaha shirkada saabuunaha ee Ileys Nuur Ducaale Diiriye, isagoo madaxweynuhu xadhiga ka jaray qayb ka mida wersheda oo hada lagu soo kordhiyey soona saari doonta Saabuunta dharka, taydha qasaaladaha ee qaaliga ah iyo Shampoo-yada kala duwan.
Sidoo kale gudoomiyaha Wersheda saabuunaha kala duwan waxa uu madaxweynaha xog-waran ka siiyey qayb cusub oo uu soo kordhiyey dhawaana uu shaacindoono taasi oo ah Wershadii saliida Cuntada oo uu keenay dalka dhawaana uu dalka ka beeridoono geedka sinsinta, si loo helo saliid tayo leh oo dalka iyo wadamada jaarkaba wada gaadha.
Uga danbayna Madaxweynaha oo ka hadlay xadhig ka jarida qaybta cusub ee soo saari doonta saabuunta dharka ayaa ย sheegay in ay farxad u tahay in uu ka soo qaybgalo talaabadan waxtarka u ah dalka ee ay hore u qaaday shirkada Ileys ee saabuunuhu, aad iyo aad ayaan bogaadin u soo jeedinayaa dadka hawshaasi ka soo shaqeeyey ee hawshaa fulinaya waxanan u arkaa talaabo weyn oo qaranka u muhiima oo hore loo qaaday insha allaa kuwan iyo kuwo la midaba waynu ku talaabsan doonaa ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo xidhay.