Xaflad ay soo qaban qaabisay kuliyadda waxbarshada Jaamacadda Camuud ayaa maanta lagu qabtay Rays Hutel ee magaalada Boorama, taas oo ujeedadeedu ahayd soo afmeerka mashruuc tababar dhinaca maamulka ah oo la siinaayey sideed gabdhood kuwaas oo loo tababaray in ay maamulayaal ka noqdaan dugsiayada hoose dhexe ee Soomaaliland.
Xafladdan ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka jaamacada camuud, wakiil ka socaday hay’ada UNICEF oo mashruuca maalgalisay, isuduwaha waxbarshadada gobolka Awdal, macalimiinta maamulka loo tababaray iyo
marti sharaf kale.
Ugu horayn waxaa ka hadlay Cabdiraxmaan Axmed Muxumed oo ah hormuudka
kuliyada waxbarahsada ee jaamacadda Camuud waxaanu sheegay:
“Tababarkani waa mid loogu talao galay in ay haweenku kaga qayb qaataan maamulka waxbarashada gaar ahaan iyada oo laga soo bilaabayo dugsiyada hoose dhexe kuwaas oo hawshan ka qaban kara guud ahaan meel kasta oo ka mid ah Soomaliland”
Sidoo kale waxaa kahadashay Safiya Jibriil Cabdi oo ah sarkaal sare oo ka socotay hay’ada UNICEF waxaanay tidhi:
“Masharuucan ayaan hadda dhammaynay wajigiisii koowaad iyada oo uu yeelan doono qaybo kale”
Waxaa kale oo ay ku dartay in ay aad u soo dhaweynayaan in ay dumarku kaalin laxaad leh ka qaataan maamulka iyo hagidda waxbarshada qaybaheeda kala duwan.
Nicmo Cilmi Cabdilaahi oo ku hadlaysay magaca ardayda tababarka dhammaysatay ayaa sheegtay in ay
masuuliyaddan sideeda uga soo bixi doonaan, waxaa kale oo Nicmo aad ugu mahad naqday maamulka jaamacadda Camuud iyo hay’ada UNICEF oo qayb libaax ka qaatay wax barashadoodu.
Waxaa isaguna magaca jaamacada Camuud ku hadlaya isla markaana dardaaran u jeediyayey ardaydaas Maxamed Maxamuud Jaamac (Diiriye) oo ah ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee gudoomiyaha Jaamacada, waxaanu ku dardaarey in ay dulqaad badan u yeeshaan arimaha maaulka oo uu yidhi waxaa ka bixi kara uun qof aad u sabir badan.
Ugu danbeyn waxaa xafladaasi soo gunaanaday isuduwaha waxbarshada gobolka Awdal Jeeke Cusmaan Cige oo jaamacadaha ka codsaday in ay wasaarada waxbarashada la yeeshaan wada shaqyn toos ah. waxaana ardaydii halkaas loogu qaybiyey shahaadooyin muujiyana tababarka ay qaateen waana markii ugu horaysay
ee dumar loo tababaro in ay maamulka waxbarshada qabtaan.
Xasan Ciise Raage
Boorama