“Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid, Waxa Loo Maray Dariiq Sharci Jebin Ah, Xuquuqdii Muwaadinkana Meel-baa lagaga dhacay. Shacabka Somaliland iyo Deegaanka uu Ka Soo Jeedana Waan Ku Amaanaynaa Xasiloonida Ay Muujiyeen.” Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa xadhiga ganacsade Cumar Caydiid oo ah mulkiilaha maal-gashiga ka wada Tiyeetarka weyn ee Hargeysa sida oo kalena laba cisho ka hor lagu xidhay Hargeysa ku tilmaamay in xukuumaddu ay samaysay sharci jebin sida oo kalena ay ku xad-gudubtay xuquuqda muwaadinka, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in xadhiga ganacsadahani aanu dhiiri-gelinayn in ganacsatada adduunka ay maal-gashi ka samayso gudaha Somaliland isla mar ahaantaana tallaabada ay xukuumaddu u qaaday xadhiga ganacsade Cumar Caydiid ay tahay mid aan dan u ahayn qaranka Somaliland.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey afaafka hore saldhigga Ibraahim Koodbuur, ka dib booqasho uu ugu tagay halka uu ku xidhan yahay ganacsade Cumar Caydiid, waxaana uu sheegay in aan xadhigiisa loo marin dariiq waafaqsan shuruucda dalka. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxa aanu soo booqanay ganacsade Cumar Caydiid oo ku xidhan saldhigga Ibraahim Koodbuur, ahna asal ahaan nin reer Somaliland ah kana mid ah ganacsatada reer Jabbuuti, ganacsadahaasi waa ganacsade reer Jabuuti ah sida oo kalena dalka ka sameeyey maal-gashi ballaadhan lana filaayo in dad ka badan 1000 qof ay shaqo ka helaan, dhawaana la furi lahaa, hase yeeshee iyada oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa ganacsadahaas waa la xidhay, waana aanu soo booqanay, waana uu iska wanaagsan yahay, waxaana aanu xukuumadda iyo madaxweynahaba ugu baaqaynaa in la soo daayo ganacsadahaas, xoriyaddiisana loo soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xadhiga ganacsade Cumar Caydiid uu saamayn xooggan ku yeelan karo maal-geshiga dhaqaale ee ay dalka ka samayn lahaayeen maal-qabbeenada aduunku, waxaana uu yidhi:
“Xadhiga ganacsadahaasi saamayn badan ayey ku yeelan karta dadka ka samaynaaya maal-gashiga Somaliland, waxaana aynu ka warqabnaa ganacsadeyaal badan oo reer Jabuuti ah oo dalka maal-gashaday lacag badanna gashaday, haday tahay shirkadda SBI, haday tahay Cable-ka iyo haday tahay Tiyeetarkaba, waxa aan lee yahay taasi ma dhiiri-gelin doonto in dadka doonaya in ay dalkan gashadaan maal-gashi, waxa aynu ka warqabnaa in shaqo la’aantu tahay mid aad u saraysa oo dhallinyaradu waa ay shaqo la’ dahay, marka dadkii wadanka ka samayn lahaa maal-gashiga in la niyad jabiyo waxa aan u aragnaa wax aan u shaqeynayn danta Somaliland, waxa aan mar kale madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugu baaqayaa in muwaadinka ganacsadahaas Cumar Caydiid loo soo celiyo xoriyaddiisii iyada oo marka horena sifaha loo maray aanu ahayn mid sharci ah.”
Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” waxa kale oo uu shacabka Somaliland, gaar ahaan deegaanka uu ka soo jeedo ganacsade Cumar Caydiid uu ku ammaanay sida nabad-gelyada ah ee ay xasiloonida u muujiyeen muddadii uu xidhnaa ganacsade Cumar Caydiid, waxaana uu shacbiga ugu baaqay in mudnaanta koowaad la siiyo illaalinta nabad-gelyada, waxaanu baaq u diray dadweynaha ku dhaqan Hargeysa waxa uu yidhi:
“Runtii shacbiga reer Hargeysa iyo deegaanka uu ka soo jeedaba waxa aanu ku ammaanaynaa xasiloonida ay muujiyeen oo in aanay wax rabshad ahi jirin, waxaana aanu ugu baaqaynaa guud ahaana shacbiga reer Somaliland in arrintaas nebad-galyadu ay mar walba mudnaanta innoo tahay oo aynu nebed-galyada wada ilaashanno haddii ay xukuumaddu innoo illaalin weyday.”
Ugu dambeyntiina Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu aad u dhalliilay sifaha loo maray xadhiga ganacsade Cumar Caydiid, isaga oo sheegay in lagu xad gudbay xuquuqdiisii muwaadinka isla mar ahaantaana muddo ka badan 48-saacaddood sabab la’aan ugu xidhan saldhigga Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Sifaha loo xidhay markii aanu la kulanay waxa uu noo sheegay in markii la soo xidhay aan waxbaba la soo weydiin, qofkana marka la xidhaayo magaca hooyaddii ayaa laga qoraa, illaa hadana magaca hooyadii lama weydiin, 48-kii saacaddoodna waa ay dhaaftay, wax waaran ah oo loo keenayna ma jiro, sharcigana haddii qofku dembi sameeyo waa la qaban karaa, laakiin sifo sharci ah ayaa loo soo maraa, taasina may dhicin!. Sideed iyo Afartankii saacaddoodna waa ay dhaaftay xukuumadda ayaana hadda ka jawaabi doonta, waxaana aan qabbaa in sharciga la jabiyey, xuquuqdii muwaadinkana meel lagaga dhacay.”
Hore waxa Cumar Caydiid u booqday Guddoomiyaha, ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi balse aan dhaliil xadhiga Cumar Caydiid.