Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WaddaniCabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa saaka aroornimaddii hore qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadda Maxamuud Haybe kula quraacday maqaaxida Jiic Aboor oo ku taala agagaarka dugsiga sare ee Maxamuud Haybe ee Hargeysa.
Waxaana goobtaasi ku soo dhaweeyey maayirkii hore ee caasimadda Hargeysa Injineer Maxamuud Jiciir, odeyaal, culimaa-uddiin, shaqaale goobta ka qurcaanayey iyo dad kale.
Qaar ka mid ah dadkii halkaas ku soo dhaweeyey oo Guddoomiyaha ay isweydaar-sadeen hadalo isagu jira sheeko iyo kaftan, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in guddoomiye Cirro uu aroornimo hore kala quraacdo maqaaxidda Jiic-Aboor oo ka mid ah maqaaxiyaha ugu caansan guud ahaan magaalada Hargeysa, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay mar walba taageero la barbar taagan yihiin isla mar ahaantaana ay u rajaynayaan in uu ku guulaysto doorashooyinka foodda innagu soo haya ee la filaayo in ay dalka ka qabsoomi doonaan horraanta sannadka dambe.
Qaar ka mid dadweynihii ka quraacanayey oo ka dareen celiyey booqashada Cirro ayaa waxa ka mid ahaa hadaladoodii:
“Waanu kugu faraxsan nahay mudane Guddoomiye in aad saaka nagala quraacato maqaaxidda Jiic-Aboorka, waa baradaadii, waana goob aad ku xisaabtamayso codkeeda haddii Alle inna gaadhsiiyo, annaguna garabkaaga ayaanu nahay, waxaana aanu Alle kaaga baryeynaa in uu kugu guuleeyo doorashooyinka foodda innagu soo haya.”
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo isna halkaas hadalo kaftan, duurxul iyo sheeko wadaag ahba la yeeshay wax-garadkii iyo aqoonyahankii madashaasi ku sugnaa, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka quraacdo maqaaxida Jiic-Aboor, waxaana uu u mahad-celiyey dhammaanba dadkii kala duwanaa ee intii uu halkaas ka quraacanayey sida diiran ugu soo dhaweeyey ayaa waxa uu yidhi:
“Farxadweyn ayey ii tahay in xilligan oo aroornimo hore ah aan saaka idin kala quraacdo maqaaxidda Jiic-Aboor oo ka mid ah kuwa ugu caansan gudaha magaalada Hargeysa, aad iyo aad ayaad dhammaantiinbana ugu mahadsan tihiin sida diiran ee aad igu soo dhaweyseen.”
Cirro oo muddo ka badan toban sanno ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa uu haatan bilaabay in uu booqdo koobaha dadweynaha isku yimaadaan ee loo yaqaano Fadhi-ku-dirirka ee inta badan siyaasada lagu falanqeeyo.