Boortaqiiska waxa uu ku guuleysatay koobka Qaramada Yurub ee 2016

Dabaal-degyo ayaa ka socda dalka Boortoqiiska kadib markii xulkooda qaranka uu ku guuleystay koobka tartamada Yurub ee 2016-ka.

Kooxda oo la ciyaartay dalka Martigelinaya ee Faransiiska ayaa gool iyo waxba kaga adkaatay.

Dad aad u badan ayaa isu soo baxay oo dhigaya dabaaldegyo, waxayna ku ciyaarayaan jidadka magaalada Lisbon, iyagoo calanka dalkooda ruxaya.

Goolka ay Boortaqiiska ku adkaadeen waxaa xilliga dheeraadka ee ciyaarta lagu daray dhaliyay Eder.

Intabadan ciyaarta Boortaqiiska waxay ahayd mid difaac u badan, halka Faransiiska uu soo bandhigay kubad aad u qurux badan oo weerar iyo difaacba isugu jirta.

Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta.  Ka hor intii aanu ka bixin garoonka ayaa waxa ooyey dhaawac soo gaadhay ee uu ku seegay ciyaartan kama dambaysta ah, balse hanti koobkii.

Inta badan Rolando ayaa waxa uu ku sugnaa meesha tababarayaashu istaagaan dhammaan intay ciyaarta socotay, isagoo aad u dhiiragelinaayay kooxdiisa.

Waa markii ugu horeysay ee Booroqiiska uu guul ka gaadho tartan heer caalami ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaal ciyaarta iyo dabaal-degii:

bandhige@gmail.com