Buug uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale Cawil, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Somaliland ahna diblomaasi muddo dheer la soo shaqeeyey xukuumadihii Soomaaliya ee kala dambeeyey ayaa xalay Jimcihii lagu soo bandhigay xaflad il-yartu is qabatay oo ku qabsoontay Maansoor Hotel.
Buuggan oo uu qoraagu ugu magac-daray “Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed” wuxu ku soo bandhigayaa waayihii siyaasadeed iyo duruufihii kala duwanaa ee ay Soomaalidu soo martay ku dhawaad toddobaatan sanno. Waxa lagu daabacay Hargeysa, waxana daabacday shariikadda Sagaljet.
Wuxu sidoo kale ku soo bandhigayaa dhacdooyin taariikhi ah iyo qisooyin uu qoraagu goob-joog u ahaa. Waxaa ka mid ah inqilaabkii fashilmay 1961 oo uu ka mid ahaa saraakiishii ka qayb-qaadatay dhacdadaas oo uu hoos ugu daadagagyo.
Munaasibadda xalay waxa ka soo qayb-qalay boqolaal dadweynaha reer Hargeysa ah, madaxda xisbiyada qaranka, wasiirro xukuumadda hadda ka tirsan iyo kuwo ka tirsasnaa xukuumaddii UDUB. Waxa isla munaasibaddii lagu iibsaday boqolaal nuqul oo buugga ka mid ah.
Si aad faahfaahin dheeraad ah uga hesho nuxurka buugga, akhri faalladdan uu diyaariyey qoraaga Sayid Maxamed Yuusuf:ย Buugga la magacbaxay โRaadraaca Taariikh Soomaaliyeedโ (WQ: Sayid-Axmed M. Yuusuf โDhegeyโ)
BANDHIGE NEWS