Madaxweynihii u arriminayey 27-kii sanno ee ugu dambeeyey dalka Uzbekistan ee ku yaal badhtamaha Aasiya Md. Islam Karimov ayaa subaxnimadii Sabtida munaasibad janaaso oo weyn loogu sameeyey magaalada uu ka soo jeedo ee Samarkand, halkaas oo lagu aasay kadib markii uu Jimcihii u geeriyooday faalig iyo wadno-istaag isaga dambeeyey maalmo gudahood. Da’diisu waxay ahayd 78-jir.
Uzbekistan waxay ka mid tahay waddamadii ka go’ay Midowgii Soofiyeeti markii uu burburay 1989-kii, kadibna sameeyey horumar dhinaca dhaqaalaha ah kuna guulaystay xasillooni iyadoo dalka ku dhejisan ee Afgaanistaan uu intaas holcayey.
Kala badh dadweynaha reer Uzbekistan ayaa la sheegay in ay dhasheen wakhtigii uu xilka hayey madaxweyne Islam Karimov.
Kumanaan ka tirsan dadweynaha reer Uzbekistan ayaa dariiqyada isugu soo baxay si ay xushmad ugu muujiyaan madaxweynihii muddada dheer u soo talinayey.
Gabadha ah currada Madaxweyne Islam Karimov Gulnara Karimova oo ah maal-qabeen iyo siyaasiyad caan ah ayaa muddo dheer la filayey in ay beddeli doonto aabaheed hase yeeshee waxay taasi meesha ka baxday saddex sanno ka hor kadib markii lagu eedeeyey musuq-maasuq, laguna soo rogay xabsi-guri.
Haatan waxa la dareemayaa qoyskiisii oo isku buuqsan isla markaana aan weli go’aamin cidda beddelaysa. Haddii ay dhakhso ugu heshiin waayaan waxa la arkaa waddankan muslimka ah ee Afgaanistaan jaarka la ahi in uu cagaha la galo qalalaase hor leh.
Islam Karimov ayaa ururrada xuquuqda aadamaha u dooda iyo waddamada reer-galbeedku marar badan ku eedeeyeen in uu dadkiisa u gaysto gabood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadamaha isaga oo dadka ku sameeya jidh-dil iyo tacadiyo aan xad lahayn.
Safiirkii hore ee Ingiriiska dalkaas u fadhiyey Craig Murray ayaa sheegay in xukuumaddii Islam Karimov ay laba qof nolosha ku gubtay wakhtigiii uu safiirka ahaa.
Hase ahaatee xukuumadda Uzbekistan ayaa eedaymayaas si joogto ah u beenin jirtay.
Dhanka kale Madaxweyne Islam Karimov waxa lagu xusuustaa in uu waddankiisa gaadhsiiyey horumar la taaban karo isaga oo shaqo la’aanta dalkiisa ka dhigay wax ka yar 10%.
BANDHIGE NEWS