Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ah aqoonyahankii Camuud wax ku bartay ayaa hadal dhiirigelin ah u jeediyey ardayda Jaamacadda Cammuud sannadkan soo gashay

Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo ah sarkaal caalami ah oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay ee UN Habitat, kana mid ahaa ardaydii Jaamacadda Camuud ka qallinjabisay 2003, ayaa hadal dhiirigelin ah u jeediyey ardayda sannadkan soo gashay Freshman-ka  Jaamacadda Cammuud, kuwaas oo loo qabtay xaflad soo-dhawayn ah. Cabdiraxmaan sidoo kale waa qoraa caan ah oo inta badan wax ka qora arrimaha bulshada. Halkan ka daawo hadalka Cabdiraxmaan iyo khudbadihii kale ee munaasibadda laga jeediyey.