Ceerigaabo: Guddoomiye Cirro waxa uu soo kormeeray goobaha diwaan-gelinta codbixiyayaashu ka socoto

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ ayaa waxa uu shalay ย kormeer ku soo maray qaar ka mid ah goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Ceerigaabo oo shalay si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan deegaanada gobalka Sanaag

Kormeerkan ayaa waxa Guddoomiye Cirro ku wehelinayey xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, xildhibbaan Rayte, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta iyo masโ€™uuliyiinta kale oo ka tirsan ee xisbiga Waddani, waxaana halkaas ay dadkii safafka ugu jiray qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay si diiran u soo dhaweeyeen guddoomiyaha iyo weftigiisa.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ waxa uu intaa ka dib uu shaqaalahii ka shaqeynaayey goobaha diiwaan-gelinta uu ka xog-waraystay sida ay u socdaan hawlaha diiwaan-gelintu, waxyaabaha ka qabyada ah iyo weliba duruufaha ku gedaaman ee ay la kulmeen.

Weftiga Waddani ayaa waxay muddooyinkii dambe gobalka Sanaag u joogay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta, ayaa la filayaa in ay socdaalkooda shaqo ay ugu sii socdaan deegaanada kale ee gobalka Sanaag ee ay ka socoto diiwaan-gelintu.

bandhige@gmail.com