Ku dhowaad 2,839 iskugu jira saraakiil iyo askar loo soo qabqabtay in ay ka dambeeyeen isku-daygii afgembi ee dhicisoobay Jimcihii ee dalka Turkiga ayaa waxay dawladda Maraykanku ugu baaqday Turkiga in ay xaalada dejiyaan iyo si wanaagsan sharciga loo raaco.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baadhitaanada ku samaynayso isku-daygaasi afgembi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa isku-daygaasi ay dhibaato u geysan karaan xidhiidhka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo kula hadlay dadweynihii isugu soo baxay dibedda hore ee dhismaha baarlamaanka, ayaa Maraykanka ugu baaqay in uu u soo gacan geliyo Fethullah Gulen, oo uu ku eedeynayo in uu ka dambeeyay afgambigii dhgicisoobay.
Balse Fethullah Gulen ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa isku-daygaasi afgembi.