Guddoomiye Cirro waxa uu shalay makhaayad kula qaxweeyey qaar ka mid ah dadweynaha Ceerigaabo

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo maalmahii ugu dambeeyey isaga iyo wefti uu hoggaaminayey ay magaalada Ceerigaabo ku joogeen socdaal lagu ay ku wacyi-gelinayaan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa shalay qaar ka mid ah shacabka magaalada Ceerigaabo kala shaaheeyey maqaaxida caan ka ah ee Kofeega oo ku taala galbeedka magaaladaasi.

Booqashadan Guddoomiye Cirro ku wehelinaayey xubno ka mid ah xisbiga Waddani, Xildhibbaano, Salaadiin iyo Cuqaal ay horkacaayeen Suldaan Shaadhcase, Boqor Cabdi Cadde iyo Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud iyo weliba sida oo kale haween, dhallinyar  iyo dadweyne kale oo aad u tira badan kuwaasi oo uu sii joogay goobta uu guddoomiyahu ka shaaheynaayey.

Dadweynahii halkaas ku sugnaa ayaa waxay soo dhoweeyey booqashadan guddoomiye Cirro.

Ugu dambeyntiina, kaftan iyo wada-sheekaysi badan ka dib oo uu guddoomiye Cirro la wadaagay shacabkii uu halkaas kula kulmay, ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland ee haatan ka socoto Sanaag.

 

bandhige@gmail.com