Ciidanka Qaranka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Dagaal ku Dhex maray Deeganka Yubbe Shalay Ciidamada Puntland

Hargeysa(Bandhige)-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa war-saxafadeed ka soo saaray dagaal shalay ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland deegaanka Yube.

Warsaxafadeedkan oo ka soo baxay xafiiska af-hayeenka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashanle sare Cabdi Cabdilaahi (Cabdi dheere) ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku gacan horeeyeen ciidamada Puntland isla markaasina ay jawaab ka bixiyeen ciidamada jiida hore Somaliland.

Gaashaanle Cabdi waxaa uu intaasi ku daray inay Somaliland marka kasta ciidamadeedu nabad diyaar u yihiin isla markaasina aanay jeclayn gardarada iyo daandaansiga

         HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFADEEDKA OO DHAMAYSTIRAN