Clinton oo ku guulaysatay dooddii koowaad ee loo qabtay murashaxiinta Maraykanka

 

Waxa xalay  dhacday dooddii ugu horraysay ee loo qabto labada murashax ee madaxweynenimada Maraykanka u tartamaya oo ka soo kala jeeda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Waxay ahayd dood muddo dheer la sugayey oo aad loo xiisaynayey. Waxaa daadihinaya Lester Holt oo ka tirsan telefishanka NBC, waxaanay ka dhacday magaalada Jaamacadda Hofstra University oo ku taalla magaalada Hempstead oo ka tirsan deegaanka New York.

Markii ay dooddii dhammaatay ayaa telefishannada Maraykanku sameeyeen sahan aragtida dadweynaha ah. Hillary Clinton ayaa si weyn ugaga gacan sarraysay Donald Trump iyadoo 62% dadkii daawanayey ay sheegeen in Hillary guulaysatay halka 26% kali ahi ay yidhaahdeen Trump ayaa guulaystay.

Arrimaha laga dooday waxa ka mid ahaa siyaasadda arrimaha dibedda, la-dagaallanka waxa loogu yeedho argagixisada iyo dhaqaalaha. Saddexda arrimoodba daraasadda la qaaday waxay muujiyeen in ay Clinton ka guulaysatay.

Sidoo kale waxay dadweynihii daawaday muujiyeen in ay hadalka Clinton ka fahmi ogaayeen hadalka Donald Trump isla markaana ay u arkayeen in Clinton ay ka xogogaalsan tahay Trump.

Doodaha doorashooyinka Maraykanku waxay ka mid yihiin kuwa saamaynta ugu badan ku leh codbixiyeyaasha iyadoo ay tahay halka lagu kala saaro awoodaha iyo firkaradaha murashaxiinta.

Waxa hadhay saddex doodood oo kale ka hor intaa codbixinta loo dareerin 8-da November. Doodda tan ku xigtaa waxay qorshaysan tahay in ay qabsoonto 4-ta October 2016, waxaa daadihinaya Elaine Quijano oo ka tirsan telefishanka CBSN, waxaanay ka dhici doontaa magaalada Famville ee gobolka Viriginia. Doodda saddexaad waxay qabsoomaysaa 9-ka October 2016, waxaa daadihinaya Martha Raddatz oo ka tirsan telefishanka ABC, waxaanay ka qabsoomi doontaa magaalada St. Louis ee gobolka Missouri. Doodda ugu dambaysaa waxay qabsoomaysaa 19-ka October 2016, waxaa daadihinaya Chris Wallaceoo ka tirsan telefishanka Fox News, waxaana lagu qaban doonaa magaalada Las Vegas  ee gobolka Nevada.

Marka la eego hannaanka uu u hadlo Donald Trump iyo wakhtiga gaaban ee uu siyaasadda ku jiray marka loo eego Hillary Clinton, way adkaanaysaa in uu doodaha soo socda dul maro haweenaydan oo nolosheeda intii ugu badnayd ku qaadatay siyaasadda mar ay ahayd Marwada Koowaad, mar ay ka tirsanayd Golaha Sare ee Maraykanka, mar ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo haatan oo ay tahay murashax madaxweyne. Trump isagu noloshiisa intii ugu badnayd wuxu ku qaatay maamulka iyo maaraynta ganacsi aad u ballaadhan oo uu gaar u leeyahay, waana bilyaneer aad looga yaqaan Maraykanka.

Hoos ka daawo doodda oo dhammaystiran:

 

Bandhige@gmail.com