Dadweynaha Ingiriiska oo u codeeyey in ay ka baxaan Midowga Yurub, suuqyadii adduunka oo lama filaan ku yimid

Aftidii laga qaaday dadweynaha Ingiriisku waxay ku dhammaatay in dadka Ingiriisku  51.9%  dadka Ingiriiska oo u codeeyey in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Go’aankan ayaa ah mid lama filaan ah. In kastoo la ogaa in labada dhinac isku dhaw yihiin, haddana waa la filayey in go’aanku noqon doono in dadka Ingiriiska badidiisu u codeeyaan in ay ku sii jiraan Midowga Yurub.

Dhaqaalyahannada adduunka ayaa sheegaya in go’aankani uu u xun yahay dadka Ingiriiska iyadoo uu hoos u dhici doono ganacsigii ka dhaxayn jiray Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Lacagta Ingiriiska ayaa sicir-barar ku bilaabmay saaka taas oo aan la ogayn in uu sii socon doono iyo in uu ku-meel-gaadh yahay.

Suuqyada dunida ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in uu khalkhal ku yimid iyadoo aan laga sii gaashaaman go’aankan ka soo baxay aftida saaka kaas oo lama-filaan noqday.

Scotland oo u codaysay in lagu sii jiro Midowga Yurub ayaa madaxdeeda qaar ka mid ah u soo jeedinayaan Ra’iisal-Wasaare David Cameroon in uu is casilo maadaama uu ku fashilmay  in uu dadaweynaha  Ingiriiska ku qanciyo in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub.

Bandhige@gmail.com