Dadweyne gadoodsan ayaa waxay gubeen xarunta Baarlamaanka Gaboon

Taageerayaasha mucaaridka madaxweynaha Gabon, Cali Bongo, ayaa dab qabadsiiyay xarunta baarlamaanka dalkaasi, kadib markii ay ka cadhoodeen natiijadii doorashadii Madaxweynaha oo ku guulaystay Cali Bongo.

Dadweynaha ayaa waxay taageersan yihiin ninka sida weyn ula loolamayey Cali Bongo Jean Ping.

Booliska caasimadda Libreville ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si uu u kala eryaan taageerayaasha Ping, oo rumeysan in uu doorashada helay oo lagaga shubtay.

Cali Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Ping, iyadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.

Muddo gaadhay nus qarni ayaa waxay talada dalka hayeen qoyska Bongo.

bandhige@gmail.com