Ganacsatada Islii waxay ku dhowaaqeen saddex maalmood oo shaqo joojin ah

Ganacsatada Soomaalida ee Suuqa wayn ee xaafadda Islii ee magaalada Nayroobi ayaa waxa ku dhowaaqeen saddex maalmood oo shaqo joojin ah. Saddexdan cisho ayaa waxay ka bilaabi doontaa taasi oo gabi ahaanba uu xidhnaan doono suuqa.

Arrintan waxa timid kadib markii Guddiga degmada Islii ay cabasho ka muujiyeen dadka wadhatada ah oo culays ku haya habsami u socodka ganacsiga iyo xasiloonida deegaanka.

Dadweynaha degan Islii ayaa waxa saaran culays weyn kadib markii ururka Al-shabaab weeraro ka fuliyeen guddaha Kiiniya kaasi oo ay Islii degan yihiin Soomaali aad u fara badan.

Suuqa Islii ayaa waxa uu yahay suuq aad u weyn oo laga helo alaabo badan oo ay dadweyne aad tiro badani ka ganacsadaan.

bandhige@gmail.com