Dagaal culus ayaa waxa uu ka dhex qarxay ciidammada waddanka Azerbaijan iyo kuwa gooni u goosadka ee gobolka Nagorno Karabakh.
Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidammadeeda qalabka sida ay ka jawaabeen weerar loo adeegsaday hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin oo kaga yimid kooxda Karabakh oo ay taageerto ka hesha dawladda Armenia.
Hasayeeshee dawladda Armenia ayaa dhankeeda eedaysay Azarbaijan, iyadoo sheegtay in ay Jimcihii weerar ballaadhan ku soo qaaday iyadoo adeegsanaysa taangiyo, madaafiic iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo xabbadda.
Gobolka Nagorno Karabakh, waxa uu ku dhexyaal dalka Azerbaijan, hasayeeshee baarlamaankiisa ayaa u codeeyay in ay ku biiraan Armenia, markii uu burburay Midowgii Soofiyeet.
Xabbad joojin ayaa lagu heshiiyay sannadkii 1994 si loo soo afjaro dagaalka.