Waxa muddo hal sanno laga joogaa kadib markii koox Al-shabaab weerar ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa halkaas oo ku nafwaayeen 148 qof oo iskugu jira arday dhiganaysay Jaamacadda iyo shaqaalahii ka shaqeynayey.
Ardayda wax ka barata Jaamacadda Gaarisa ayaa xus u sameeyey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixisada ahaa. Arday xuskankan ka qayb qaadanaysay ayaa waxa xusuusteen qaar badan oo ka mid ah asxaabtoodii ku dhimatay weerarkaa.
Weerarkan ayaa waxa ciidamada Kiiniya ku soo afmeeray muddo 16 saacadood ah.
Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in ay ka qeyb galayaan xuska tacsi oo dadkii dhintay loo dhigayo, iyaga oo la kulmaya dhaleecayn ku saabsan in kaalintoodu ay yareyd, maalmihii weerarka xigay.