Dagaalkii Falluuja oo wejigiisii muhiimka ahaa maanta bilaabmay, waxa la filayaa in gacmaha la isula tago

 

Muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamada Ciraaq iyo kooxda ISIS waxay ku dagaalamayeen duleedka Falluuja iyadoo ciidamada Ciraaq ay marba tallaabo soo qaadayeen kuna siqayeen magaaladan oo ah ta labaad ee ku sii hadhay gacanta ISIS.

Kooxda mintidka ah ee ISIS ayaa sheegay in aanay sinaba uga baxay magaalladan isla markaana ay diyaar u yihiin in guri-guri iyo qolqol ay ugu dagaalamaan magaalada ilaa qofka ugu dambeeyaa ka shahiidayo, sida ay hadalka u dhigeen.

Kooxaha is-qarxiya, baabuur laga buuxiyey walxaha qarxa iyo rag aad u hubaysan ayaa ISIS ku wareejiyeen magaallada si aanay ugu suurto-gelin ciidamada Ciraaq in ay bilaa khasaare ku soo galaan magaalada si fududna u qabsadaan.

Ciidamada Ciraaq ayaa shalay la siiyey amar ah in ay gudaha u galaan magaalada, amarkaas oo fulintiisii uu maanta bilaabmay.

Sida dad goobjoogeyaal ahi ku soo waramaya ololka iyo qiiqa ayaa cirka isku shareeray waxa kaliya oo la maqlayaana waan sanqadha iyo hirdanka madaafiicda iyo qalabka kala duwan ee dagaalka.

Ciidamada ciraaq waxa cirka ka caaqinaya helikobtaro kuwaas oo toddobaadkii ugu dambeeyey dusha ka duqaynayey ciidamada ISIS ee ku sugan Falluuja.

Iraqi-security-forces-.Archival-photo-bb.
Ciidamada Ciraaq oo ka dagaalamaya dhufays dabadii

Hooyo magaceeda ku soo gaabisay Sucaad ayaa sheegtay in wxa meesha ka socdaa ay yihiin wax aan la suurayn karayn. Waxay sheegtay in iyada iyo qoyskeedii ay orod naf moodeen iyaga oo ka cararay wax kasta oo haysteen xataa lacagtii iyo telefoonnadii.

“Weli waanu ordaydaa, saygaygii ayaa na daba socda. Wuu na soo gaadhi kari la’yahay maadaama ay tamartiisu yar tahay. Waxanu ku biirnay ilaa 500 oo qoys oo iyaguna firxad ah” ayay tidhi Sucaad.

Lama saadaalin karayo dagaalkani inta maalmood ee uu sii socon doono, waxase la filayaa in uu gaysto khasaare aad u xun ka hor inta aanay ciidamada Ciraaq la wareegin magaallada haddiiba ay u suurto gasho.

Falluuja waxa lagu xasuustaa in ay tahay goobtii iska caabintii ugu xumayd uu Maraykanku kala kulmay 2003-dii iyadoo noqotay magaalladii ay ku dhinteen tiradii ugu badnayd ee Maraykan ahi dagaalkii Vietnam dabadii.

Bandhige@gmail.com