Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ka qayb galay caleemo saarka Suldaan lagu caleemo saaray deegaanka Adhi-cadays

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu maanta ka qayb galay caleem saarka Suldaan cusub oo ay yeelan doonaan bessha Fiqishin Suldaan Mustafe Sheekh Maxamuud Aw Seed.

Wasiirka oo ka hadlay madasha caleemo-saarka ayaa waxa ugu horey hambalyo u diray Suldaanka cusub waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

 “Madashani waa madal dhaqan oo lagu bokhrayo Suldaan, hadal xagtin leh iyo hadal Siyaasadeed-na maanta halkan ma yaalo, waxa ugu mudan waa hambalyo iyo duco.”

Waxa kale oo intaa ku daray:

“Ugu horayn waxaanu jecelnahay inaanu halkan ka hambalyeyno beesha Fiqishini dadaalkeeda iyo fagaarahan qiimaha badan ee gobeed ee ay Umadda intan le’eg isugu yeedheen, oo uu ka muuqdo tabaabulshe mugleh, tallo mug leh iyo tallo aan laab-la kac ahayn. waa ku hambalyeynaynaa waananu ku bogaadinaynaa.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Mar labaadka waxaanu ku hambalyeynayaa Suldaanka cusub ee ay bokhradeen Suldaan Mustafe Sheekh Maxamuud Aw Seed oo u muuqda qof ku haboon, aniguse Aqoon shaqsi ah uma lihi Suldaan Mustafe, laakiin intaan halkan ka arkayo, ama taariikh nololeedkiisa laga waramay ama bulshada halkan isugu timid waa Samo-wade. dhamaanteen waxa aynu soo qiimaynay walaaladeen taladooda iyo tabaabulshahooda beesha Fiqishini, waxa aynu soo qiimaynay Suldaanka cusub, waxa ay taasi ka markhaati kacaysaa inay doorteen qof ku haboon Saldanada Beesha waxaan leeyahay hambalyo. isagana Illaahay xilka ha ku asturo beeshii dooratayna Illaahay wixii ay u doorteen ha ka siiyo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay meeqaan ay beeshani ka qaadatay nabadaynta, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Beeshani waa beel ku caan ah Nabadda, iskaashiga iyo niyad furnaanta, waa beel la yaqaan waxaan leeyahay magacii wanaagsanaa iyo muunadii ay lahaayeen inay halkaas ka sii wadaan, waxaan u rajnayaa inuu Suldaankuna dhabada cagta u saari doono magacii ay lahaayeen mid ka wayn.”

Gebagabadii waxa uu wasiirku ku soo afmeeray wasiirku hadalkiisa:

“Ugu dambayn Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayaa waxay soo dhawaynaysaa Doorshada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub Sheekh Mustafe, waxaanu cadynayaa inaanu la shaqayn doono, inaanu taageeri doono. Suldaan kasta oo beeshiisu doorato Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u dhantahay, oo tallo mida lago doorto waaanu aqoonsanaynaa, waanu la shaqaynaynaa.”

bandhige@gmail.com