Dallada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee (SONSAF) ayaa shalay waxay daahfureen Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Somaliland kuwaas ka shaqayn doon xalinta wixii khilaaf ahaa ymaada inta lagu guddo jiro doorashooyinka.
Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin 25 xubnood oo iskugu jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano, ururada bulshada iyo xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka.
Ugu horey waxa ka hadlay xafladan lagu daahfurayey guddigan Guddoomiyaha Dallada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee (SONSAF) Mustafe Sacad Dhinbiil, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
โGuddida aanu maanta halkan ku soo bandhigaynaa waxa guddi ka shaqayn doonta arrimaha khilaadka doorashooyinka Illaahayba inaguma keenee, balse haddii khilaaf yimaado waa gacan madax-banaan oo khilaafka soo gali doonta, ka shaqayn doon, wax ka odhan doonta, kala hagaajin doonta intii Illaahay ka garansiiyo.โ
Dhanka kale waxa isaguna ka mid ah Guddoomiyaha Guddida Khilaafaadka Doorashooyinka Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxaanu hadaladkiisii ka mid ahaa:
โAnigu khilaafaad xalin karin mayno, Illaahay inaguma keenee, hadaydaan nala shaqayn.โ
Sidoo kale isagu xafladan ka hadlay, oo ka tirsan Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo isagu ahna Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Axmed Yuusuf Yaasiin, isagoo ka hadlay ujeedada guddidan waxa uu yidhi:
โAnig waxa naloo soo magacaabay waa dhiig joojinta hore, bulshada iyo dadkii kale way dambeeyaan haddii khilaafaada dhaco inta doorashooyinka lagu jiro.โ
Xafladan ayaa waxa soo afmeeray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali oo waxa uu ku ammaanay Dallada SONSAF doorarkii kala duwanaa ee ka soo qayb qaatay doorashooyinkii Somaliland, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
โDallada ururada aanย dawliga ahayn tan iyo la aasaasay waxay ka soo qayb qaatay doorashooyinkii Somaliland kuwaas aad muhiim u ahaa, waxaanan ku talinayaa in aanay doorkii ay ka ciyaari jireen in aanay hoos uga dhicin.โ
Guddidan ayaa waxay ka qayb ka noqon doonaan dhamaystirka nidaamka doorashooyinka Somaliland.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=LQ_n223tdgA