“Dawladda Somaliya waxay qaadka miiraaga u joojisay safarkii badhasaabka Meru ku tagay Somaliland” Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya

 

Jariidadda caanka ah ee Daily Nation ayaa xalay baahisay sababta ay dawladda Soomaaliya u joojisay qaadkii Miiraaga ee iman jiray in ay la xidhiidho safarkii badhasaabka gobolka Miiraa uu ku tagay Somaliland kaas oo uu suuq dheeraad ah ugu raadinayey badeecadda ugu badan ee gobolkiisu soo saaro kadib markii suuqii uu gobalkani ku lahaa Yurub meesha ka baxay ama aad hoos ugu dhacay.

“Waxanu ka cadhoonay safarkii uu Badhasaab Peter Munya ku tagay bishii July Somaliland ee uu yidhi ictiraaf baan u raadinayaa Somaliland si ay iyaguna gobolkayga qaad uga qaataan. Wuxu meel kaga dhacay qaranimadii Soomaaliya wuxuna farogeliyey arrimaha gudaha Soomaaliya” ayuu yidhi wakiilka Soomaaliya u fadhiya Kiiniya oo la yidhaa Jamaal Xasan.

Dhanka kale Badhasaab Munya oo wax laga waydiiyey wuxu yidhi:

“Kiiniya hortay ayayย Somaliland ka samaysatay xafiis siyaasadeed ka wakiil ah isla markaana Somaliland waxan u tagay ujeeddo sax ah oo ah in uaan suuq dheeraad ah u soo helo qaadka Miiraaga isla markaana aanย xukuumadda Somaliland kala xaajoodo in ay u caddaalad u samayso qaadka Itoobiya iyo Miiraaga marka ay noqoto cashuurta laga qaado. Miiraaga hadda waxa laga qaadaa saddex laab cashuurta laga qaado qaadka Itoobiya, taasina waxay keentay in Somaliland lagu iibsan waayo Miiraaga” ayuu yidhi Munya.”

Ganacsatada beeralayda ayaa maalin kasta khasaarta maaliyiin Doollar kadib markii uu joogsaday qaadka Miiraagu maadaama ay hadda ahayd suuqa ugu dambeeya ee lagu iibsado.

Badhasaab Munya ayaa ganacsatada Miiraaga kula taliyey in suuqa Soomaaliya kaligii aanay isku halleyn laakiin ay ka fikiraan sidii ay beerahooga uga soo saari lahaayeen dalag aan qaad ahayn maadaama mustaqbalkii qaadku uu madmadow soo galay. Badhasaabku wuxu sheegay in hadda ay noloshiisu khatar ku jirto kadib markii dacaayado borobogaandho ah laga faafiyey taas oo ka xanaajisay ganacsatadii qaadka ee Meru.

Badhasaab Munya wuxu beeniyey sababta ay Soomaaliya sheegtay in qaadka loo joojiyey.

“Waxa Muqdisho lagu qabanayaa shirkii IGAD, sidaas daraadeed Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay diyaarado soo ridayso. Sidaasaana diyaaradaha loo joojiyey. Maaha sida borobogaandiisteyaashu sheegayaan.”

miraa-st

Il-wareed: Daily Nation

BANDHIGE NEWS